Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Ka Jawaabay Hadal Kasoo Yeedhay Safiirka Midowga Yurub U Qaabilsan Somaliland Iyo Somaliya

Danjire Michelle ayaa wargeyska Geeska Africa u sheegay in go’aanka madaxwaynuhu dib ugu dhigay doorashada golaha wakiilada ay wiiqayso kalsoonidii beesha caalamka ee Somaliland.

Wasiirka arimaha dibada somalland Dr Sacad Cali Shire oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Africa  ayaa sidoo kale ka hadlay hadalkii uu madaxwaynaha Kenya uu ku sheegay inaanu Somaliland aqoonsanayn,waxaanuu waraysiga Sacad u dhacay sida tan

Wargeyska Geeska Africa waxa uu waraysi la yeeshay safiirka midowga Africa ee Somaliland iyo somaliya,waxaanu waraysigaasi ku sheegay in go’aanka madaxwaynuhu keenay inay kalsoonidii beesha caalamka ee Somaliland wiiqantay markaas sidee ayaad u aragtaa?

Sacad:-“Somaliland kalsoonidii caalamka may wiiqin,kaliya waxay ku talaabsatay waxay xaq u leedahay ,waxaanan ku kalsoonahay in aanay Somaliland marnaba waayeen ama wiiqayn kalsoonida beesha caalamka ,go’aanka madaxwaynuhu waa rabitaanka shacabka,markaa kalsoonida caalamku waxay ku salaysan tahay dimuqraadiyada iyo degaanshaha Somaliland,go’aankii madaxwaynuhu waa mid sii adkeynaya dimuqraadiyada,deganaashaha,iyo midnimada, go’aankana waa go’aan uu shacabku taageersan yahay sidii laga arkay shaashadaha,talaabooyinka iyo go’aanka madaxwaynuhu qaaday  waxay adkaynayaan kalsoonida ay shacabku ku qabaan dawlada,markaas go’aanka madaxwaynuhu wuxuu xoojinayaa dimuqraadiyada,midnimada iyo daganaashaha ,in kalsoonida caalamka xoojiso mooyaane ma daciifi karto”

Beesha caalamka iyo wadamada Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinku go’aankii madaxwaynaha way kasoo horjeesteen wayna dhaliileen markaa sidee ayaad u aragtaa fikirkooda?

Sacad:-“iyagu waxba inaguma qasbayaan ee waxay jecel yihiin inay labada doorasho mar wada dhacaan,inagu waxaynu dan u aragnaa in la kala qado ,markaas waxaanu rajaynaynaa oo aynu quud-daraynaynaa inay inala qaataan rabitaankeena ,wadan kastena isaga ayaa garanaya wuxuu u baahan yahay”

Hadii uu go’aanka madaxwaynuhu ku kala qaaday labada doorasho dhaqan galo oo codsiga wadamada Somaliland ka caawiya doorashooyinka la diido,hadii  ay diidan kharashka ay ku bixiyaan doorashada xukuumaddu ma bixinaysaa oo dhabarka ma u ridanaysaa kharashaadka doorashooyinka?

Sacad:-“Horta wali may odhan doorashada idinka caawin mayno ee doorashada labaad ayay ka hadlayaan,taas lafteeda waxaan filayaa inay inaga caawin doonaan,balse hadii ay dhacdo inay inaga caawin waayaan Somaliland marxalado badan ayay soo martay way kasoo gudubtay iyada oo dadkeeda iyo xoolaheedaba ku tashanaysa markaas insha alllah waanu isku tashan doonaa”

Madaxwaynaha Kenya waxa uu sheegay inaanu Somaliland aqoonsanayn,madaama xidhiidh cusubi u bilaabmay labada dal ee somaliya iyo Kenya ,markaas sidee ayaad u aragtaa hadalkaasi kasoo yeedhay madaxwaynaha Kenya?

Sacad:-“Wali dalka Kenya inama aqoonsan jiritaanka iyo aqoonsiguna waa kala jaad ,Somaliland waa wadan jira oo xuduudo caalamiya leh oo taas aqoonsi Kenya ugama baahnin iyo inaynu jirno oo xuduudo leenahay oo taariikh ayaynu leenahay ee Kenya iyo caalamka intiisa kaleba waxaynu uga baahanay aqoonsiga  madaxbanaanida ,kolay waxa jira daruufo arimo siyaasi oo arimahooga gudaha ah,balse Kenya xidhiidh wanaagsan baynu lahayn oo halkan waxa inoogu yimid xildhibaano badan oo ka socda Kenya,waxa jira dad badan oo reer Somaliland ah oo Kenya dagan,halkan dad badan oo Kenyan ah ayaa ka shaqaysta waliba dadka reer Kenya ee Somaliland yimaadaa iskama yimaadaan ee Fiiso ayay kusoo galaan markaas hadii aynaan waddan lahayn fiisaha Somaliland kumay yimaadeen”.

Madaxwaynaha Somaliya dagaal siyasadeed ayuu la galay Somaliland oo madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland wuu kasoo horjeeda ,markaas hadii ay sidaas tahay miyaanay qorshaha idiinku jirin inaad joojisaan wada hadaladii somaliya?

Sacad:-“Cadaadiska mawqifka iyo la dagaalanka dhinaca ictiraaf raadinta Somaliland ee somaliya wax inagu cusub maaha,madaxwaynaha somaliya wuxuu doono ayuu iskaga hadlay,hadalna waxba inagaga qaadi mayo ,balse wada hadalada hadii aanay waxba inoogu jirin waynu ka tashan doonaa oo siddii kale ee aynu dan moodno ayaynu yeeli doonaa ,mar walbana waxay ku jirto danta dadka iyo dalkaba ayaanu yeeli doonaa”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Wasiir Sacad Cali Shire.