Cabdicasiis M Samaale oo tacsida ah u Dirayaa Qoyskii Marxuum Cismaan Hindi.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo dhambaalkan tacsida ah soo gaadhsiiyay Shabakada Wararka hadhwanaagnews Waxa uu Marxuumka illaahay uga baryey in uu janadii Fardawsa ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii qoyskiina uu samir iyo iimaan illaahay ka siiyo iyo dhamaan shacbiga Somaliland.

“Anigoo ku hadlya Magaceyga Waxaan illaahay uga baryayaa Marxuum Cismaan Cabdilaahi Cigaal, in uu janadii Fardawsa ka waraabiyo Qoyskii,Qaraabadii,ehelkii,iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxeyna Samir iyo iimaan illaahay haka siiyo,Aamiin Aamiin Aamiin ayaan leeyahey illaahay ha inaga Aqbalo kolay iyo kolay naf waliba wey dhimaneysaa,waa lagu kala horeynayaa waxaa la inooga baahan yahey in aynu u duceyno oo aynu cafino Marxuumka qof kasta oo caloosha wax ugu hayey illaahay ha ina Waafajiyo” ShareThis


Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale isagoo ku hadlaya Magaciisa waxa uu Dhambaal Tacsi ah gaadhsiinayaa dhamaanba Qoyskii,Qaraabadii ehelkii, iyo inta uu ka geeriyooday Marxuum Cismaan Cabdilaahi Cigaal(Cismaan Hindi),oo maanta ku geeriyooday London.