Xeebaha Masar Oo Laga Helay Meydadka Tahriibayaal Badan.

Kooxaha baadi-goobka ayaa sheegay in Jimcihii oo kali ah ay heleen meydadka 64 qof.

Waxaa la rumeysan yahay in 400 oo qof ay ku qarqameen badda marki ay degtay dooni ay saarnaayeen.

Dadkii ka badbaaday doontii ku degtay xeebta Masar Arbacadii ayaa BBC-da u sheegay in boqolaal laga yaabo inay dhinteen.

Afar qof oo looga shakisan yahay inay dadka tahriibinayeen ayaa la xiray, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Arrintan ayaa timid kadib markii hay’adda xudduuda ee Midowga Yurub, ay ka digtay in dad badan ay ka soo baxayaan Masar si ay u gaaraan Yurub.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka badan 10,000 qof ay ku dhinteen iyagoo soo maraya badda Mediterranean si ay Yurub tagaan tan iyo 2014.