Xilbaa Lagu Magacaabay

Daacad waa  nin da’a ahaan jiray 46 sano , wuxuu ka mid yahay dadka firfircoon , ee  u dhuun daloolo  arimaha siyaasada , had iyo goor wuxuu tagaa madaxtooyada oo uu ku xidhan yahay asxaab badana ku leeyahay,  waan nin muxaafida oo taageera xisbul xaakimka ma jecla mucaaradada iyo in cida xukunka haysta laga soo horjeesto  , aad iyo aad baanu u  jecel yahay in uu mar uun  xil  qabto  , Daacad wuxuu sidaa ahaado  oo  uu ku riyoodo siyaaasada una difaaco xukuumada ama qoraalo hasoo qoro ama warbaahinta la iska arko ha ka hadlee  , waxaa habeen habeenada ka mid ah la soo hadlay wasiir ka tirsan xukumada  oo ay saaxiib dhow ahaayeen, wuxuu  ugu bushaareeyey in uu ku jiro liiska isku shaandhaynta iyo magacaabista cusub ee soo baxaya aroorta markuu waagu beryo masuul sarena laga dhigay ,

Aad iyo aad  ayuu farxay , isagoo dhawr jeer ku cel celiyey ma iga hubtaa ma iga hubtaa wasiir

 

Wasiirkiina wuxuu ugu jawaabay  , haa  waan kaa hubaan  ,waanan arkay magacaacaago saddexan oo ku jira liiska ,  saacadaa laga bilaabo waxaad tahay wasiir buuxa ee taas niyada u sheeg, oo aroorta warbaahinta kala soco haddii eebbe idmo afkeenuna waa isku amaan macnaha cid kale haw sheegin .

 

Qayladii ka dhacaysay awgeed ,  ileen goor dambe oo habeenimo la hurdo ayey ahayde , waxaa soo kaakacay xaaskiisii iyo carruurtii  oo yaabay mar qudha ayey waydiiyeen waxaa ku dhacay ee uu la qaylinayey, waxaanu u sheegay oo ugu  bushaareeyey in xil loo magaacaby oo laga dhigay wasiir  , intay aad uu farxeen qoyskiisa ayey Xaaskiisana  ku tidhi “ maansha allah in badan baad daba socotay dawlada   hamblayo xaaji ilaahay hakugu asturo xilkaa culus ee laguu dhiibay”

 

Daacad habeenkii oo dhan ma seexeen oo farxad ayuu iska la garan la’aa , ileen waa wuxuu ku riyoon jiraye  ,

 

Subaxdii markii idaacadii BBCdu  soo gashay ayuu shitay rikoodhiisi yaraa si uu u  dhegaysto , qodobadii warka  ayaa lagu soo  digreetada cusub ee xalay saacadihii dambe madaxweynuhu soo saaray , ka dib markii  la akhriyey isku shaandhayntii iyo magacaabistii cusub  oo dhamaystiran warkiina sidaas ku dhamaaday magaciisiba la xaadirin ama kama  maqalba wariyihii daadihinayey ,  sidaas baanu ku dhamaaday warkaasi,  Daacad isagoo yaaban oo aan wali qancin  ayuu intuu gaadhigiisii soo kaxaystay suuqii yimid  waxaanu  soo iibsaday shan jaraa’id  , kii koobaad ilaa kii shanaad buu sidaa isha u mariyey oo wada  akhriyey  nasiib daro wuu ka waayey magaciisii iyo xil loo magacaabay toona ma jiro  ,  Wuu naxay dareenkiisa wuu is bedaly  , in mudo ahna wuu aamusnaa ,  wuu yara fikiray , wuxuu go’aansaday in uu la hadlo wasiirkii u sheegay arinta ,  markii uu waydiiyey ee uu ku yidhi mee xilkii aad sheegaysay ee la ii magacaabay  sownigan meel kastaba iska waayey maxaa dhacay?.

 

Wasiirkiina Wuxuu ugu jawaabay waxbaa is bedelay!

 

Haddaba akhriste haddii aad ahaan lahayd Daacad oo arinkan oo kale kugu dhaco maxaad samayn lahayd?,  imisa qof oo hore oo  aad garanayso ayey ku dhacday arintan oo kale ?

 

Saamayn intee leeg ayey ku yeelan kartaa mustaqbalka  qofka iyo noloshashiisaba ?

 

Ku darsoo dhamaanteenba wada xil sugayaal baynu nahay …………

 

 

 

WQ: Kamaal Xassan Isaaq

 

Tell:  063-4402758  

 

kamalcadow@hotmail.com