Xusuusaha I Soo Maray……W/Q Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali

Shalay galab anigoo fadhiya Hadhwanaag Hotel ayaa waxaa telefoon ii soo diray Mujaahid Macalin Abdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan ahna Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Jsl waxaa uu ii sheegay in khamiista la furayo Dugsi Sare oo ku yaal Degmada 31 May ee looguna magac daray Mujaahidkii weynaa Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Suldaan Mahad ilaa xalay maan ka seexan dareenka warkaasi igu lahaa waayo waxaan ahaa shaqsi aad ugu xidhnaa Mujaahidka iyo Suldaankaba.

Markii aan madasha tagnay ayaa waxaa goobta fadhiya Madax kala duwan oo qiimo gaar ah siinaysa xafladan waxaase aniga i soo jiitay Muuqa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jsl Mujaahidka Nabada Mudane Abdilaahi Ibraahin Habane.

> Hadana waxaa goobta yimi gaadhi weyn oo NISAN UD ama Nooca somalidu tidhaa SABAAXA mise gaadhigani waa gaadhigii Mujaahidkii weynaa ee Xassan Ibraahin Carab (Xasan Waraabe) mar qudha ayaa maskaxdu dib ugu noqotay March/1983kii iyo 1993kii waa gaadhigii idhanka Magaaladda Baligubadle ka qaaday Mujaahidiin u adkaysan waayay dulmiga uu dalka ku hayey Taliskii markaas dalka ka talinaayay ee Maxamed Siyaad Bare anigu maalintaas sidan kor ku sheegay waxaan ahaa Mujaahidiintii joogay Deegaanka lanqayrta oo ka tirsan Degmada Xarshin waxaana gacantayda aan wax kaga rogay alaabtii suldaanka ee gaadhiga saarnayd waxaana maalintaas Dabaal-dega loo sameeyay sidii uu madasha joogo Madaxweyne soo booqday qayb ka mida dalkiisa oo uu mudo ka maqnaa waxaana dabaal dega waday Maamulkii Ethiopia,Maamulkii iyo Ciidankii SNM iyo shacabkii Taageeesanaa Dagaal yahanada SNM, Waxyaabaha aan Talowgaa Suldaanka ee Halganka aan ku xasuustaa Geesinimada uu hibada u lahaa Suldaanku in uu ka soo anbabaxay meel u jirta 1.5 km Xerada Ciidamada siyaad Bare ee Ururkii 93aad waxuu garabku ku siday qori Ak 47 ah,waxaana maalintaa la socday

> 1: Mujaahid Quule Adan Dool

> 2: Mujaahid Daa,uud Maxamed geelle

> 3: Mujaahid Xasan Ibraahin Carab

> Iyo caruurta suldaanka oo badan

> Waxaan hadan dib ugu noqday 1993kii Shirweynahii Beelaha Somaliland iyo kaalintii uu lahaa Mujaahid Abdilaahi ibrahin Habane iyo xidhiidhkii dhex maray Suldaanka iyo Wasiirka Maanta Xafladan qabtay waa xusuus dhugasho badan

> Waxaan qoraalkab kooban ugu mahad celinayaa ragii qiimaha lahaa ee madasha fadhiyaya sida

> ‘ Suldaan Xasan Sul.Cabdraxmaan

> , Sh.adan Siiro

> ,macallin mahad Nuuradiin

> ‘ Ganacsade Mudane Khadar Ambasador