Barakac baahsan oo ka bilowday Qandala

Kadib markii asbuucii lasoo dhaafay xarakada Daacish ay qabsatay magaalada Qandala ayaa haatan waxaa halkaa ka bilowday barakac baahsan.2016102963613309402953837120161026636130773290770578IMG_6817

Dadka ku dhaqan Qandala ayaa isaga baxaya magaaladaa iyo deegaanada ku xeeran ayagoo ka baqaya in Daacish ay bartilmaansato ama dagaalo hadii halkaa ay ka dhacaan ay ku waxyeeloobaan

Haatan ayaa barakacayaashii ugu horeeyay gaareen tuulooyin ku dhow xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Asbuucii la soo dhaafay ayaa Qandala waxaa qabsaday koox sheegatay in ay ka tirsan tahay fallaagada  Daacish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq.

Kooxdaan oo Soomaali u badan ayaa waxaa hoggaamiya  Cabdulqadir Muumin.

Dhanka kale ciidamada Puntland ayaa wacad ku maray inay dib ugala wareegi doonaan Qandala Daacish.

Madaxweyne C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay iska caabin doonaan fallaagada Daacish.

“Puntland way is difaacdaa mar walba wayna is difaaci doontaa. Daacish ma heysan kadho  Qandala; taasaan idinka ballan qaaday”. Sidaa ayuu yiri.

Haatan ayaa ciidamada Puntland la sheegay in ay diyaar garow ugu jiraan sidii ay uga kicin lahaayeen Daacish halkaa.

Tan iyo markii Qandala ay Daacish qabsatay ayaa ciidamada Puntland waxay hawl galiyeen doomo dagaal oo dhanka badda ka weerara magaalo xeebeedkaasi Qandala.

Maadaama ay saaran tahay gacanka Cadan ayaa waxay halis ugu jiraan Daacish in dhanka badda weerar uga yimaado.

Qandala ayaa 90km u jidha Boosaaso.