DAAWO Dagaal Ka Dhex Qarxey Maamulada Galmudug iyo Puntland Oo Ka socda Gaalkacayo.

Ugu yaraan shan ruux oo labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, 10-kalena at ku dhaawacmeen, Dagaal u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug oo Saakay Aroortii ka Qarxay degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalkaan, ayaa la sheegay inuu ka billowday muran ku saabsan Saldhig ay Galmudug ka dhisatay Galbeedka Gaalkacyo, kaasoo maamulka Puntland uu diiday, waxaana murankaas uu keenay inay labada maamul gacanta iskula tagaan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen ciidamada Galmudug, inkastoo warkaa aan la xaqiijin karin, laakiinse dagaalka xooggiisa ayaa wuxuu ka socdaa Agagaarka goobtii ay Puntland u asteysay in gaadiidka xamuulka ah ay ku kala wareegaan.

Goob-jooge ku sugan Gaalkacyo ayaa wuxuu warbaahinta u sheegay inay dad bdan ay ka barakacayaan xaafadda Garsoor oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyadoo si aad ah loo maqlayo hugunka rasaasta ay dhiancyadu is-weydaarsanayaan.

Dhanka kale, Labada Maamul ayaa horay wuxuu dagaal ugu dhexmaray Gaalkacyo, kaas oo ka dhashay muran ku saabsan jid-gooyooyin, inkastoo Xukuumadda Federaalka ah ay dadaallo ku bixisay sidii loo joojin dagaalkaas, kuna guuleysatay inay labada dhinac isku keento oo ay nabad dhex-dhigto.

Ugu dambey, Iska-horimaadkan cusub ee Qarxay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay dhawaanahan taagnayd Xiisad ka dhalatay Duqeyn ay Ciidamada Mareykanku ka Fuliyeen Bariga Gaalkacyo, la sheegay in Puntland ay ku lug lahyad.