Daawo-Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland Oo Ka Hadlay Garsoorayaal Shaqadii Qaranka iska Casilay Iyo Sababaha Keenay.

Burco(GNN):-Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Prof . Aadan Xaaji Cali oo ku sugan maagalada Burco ee xarunta Gobalka Togdheer ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadley Garsoorayaal dhawaan iska casilay maxkamada gobalada Awdal iyo Salal .

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu masuulyiintaasi ku sheegay in ay ahayeen Qaar hoosta iskaga xidhnaa  oo uu abaabulay is casilaadooda gudoomiyaha maxkamda Racfaanka gobalka Awdal oo  dhawaan xilka si ku meel gaadh ah looga qaadey ka hor inta aanu is casilin

Sidoo kale waxaa uu gudoomiyuhu sheegay in baadhis xoogan lagu sameyn doono dhamaan masuulyiintaasi iska casilay maxkamada gobalada Awdal iyo Salal

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan