Degmada Tog Wajaale Oo Laga Bilaabay Jidcade Macmal Ah Oo Aan Magaalada Faa’iido Ulahayn

Inta aynaan ka hadal waayaha iyo dhibaatooyinka xaadirka ah ee haysta magaalada Togwajaale waqtigan la joogo, aynu wax yar ku horayno macluumaad guud oo tilmaamaya mihiimda ay leedahay magaaldu.

a-maxamed-cabdilaahi-qombor-wajaale-jpg

waxaa magaalada kadhisnaa Gudiga horumarinta Degmada oo runtii ahaa lafdhabarta horumarka wadooyinka hirgaliyeyna dhamaan wadooyinka dhexmara faras magaalaha waa warbixin xiiso leh oo taxane ah lasocda

Magaalda wajaale oo ah magaalo ku taala meel muhiim ah marka la eego khariidada guud ahaan geeska afrika, isla markaana ay yartahay magaalo kula tartami karta xaga istaraatijiyada ganacasi iyo nabadgalyo ee  gabi ahaanba Gobolka aan ka tirsanahay ee Geeska afrika , ayaa ah mid soomaaliland nasiib
u siisay in lagu soo hirto islamarkaana dawlada iyo shacabkeedaba dhaqaale badani  uga soo xeroodo. Waxay magaaladu ku taalaa xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxay magaalada caasimada ah ee hargaysa u jirtaa 90 KM halka magaalada jigjiga ee caaasimada dawlad deegaank soomaalida Itoobiya u jirto 60 KM.  Waxay magaaladu albaab ganacsi u tahay dalalka  aynu jaarka nahay sida dalwynaha Itoobiya iyo Djabuuti.  dalka Itoobiya oo ah midka mid ah wadamada ugu waawayn ee afrika. dalkan  oo ay ku dhaqan yihiin shacab aad u tirbadan laguna qiyaaso 90 milyan ayaan lahayn haba yaraatee  wax dakad ah, waxaanay taa badalkeeda adeegsadaan magaalada Tog-wajaale oo ay si joogta ah uga rartaan dhammaan maciishadaha kala duwan ee ay u baahi qabaan ku waasi oo ka soo dega dakada Berbera .

Tirade dadwaynaha magaalada ku dhaqan  ayaa lagu qiyaasaa ku dhawaad ilaa 100,000  ku noo qoys , halka baaxada  magaaladana   lagu qiyaaso ilaa 25km2  .

Adeegyada bulshada ee ka jira degmada

marka la eego adeegyada bulshada ee ka jira magaalad Tog-wajaale  ayaa waxaa ku yaala; hal dugsi sare, hal  dugsi dhexe iyo hal dugsi hoose.

Geesta kale goobaha caafimaadka marka laga yimaado farmasiyada gaarka loo leeyahay, waxa ku yaala cusbitaal Degmo oo hada la dhisay dhawaana bilaabay shaqadiisa  iyo sidoo kale  MCH u qaabilsan magaalada adeega hooyada iyo dhalaanka.

Waxaa magaaladu ay leedahay hal sarimad ah oo hilibka iyo qudaarta lagu iibiyo, hal kastam oo lagu cashuuro dhamaan badeecadaha ka yimaada Itoobiya.

Caqabadaha adeeg xumo ee ka jira magaalada Tog-wajaale.

Maadaama magaalada wajaale leedahay muhiimada iyo dhaqaalaha aynu kor ku soo sheegnay, isla markaana ay degenyihiin shacabkaa tirada badani waxa qasab ahayd in ay hesho adeeg bulsho oo ku filan iyo daryeel dawladeed oo mug leh, kana muuqdo dakhliga faraha badan ee  dawlada uga soo xarooda dhaqdhaqaaqa Ganacsiga ee magaalada ka jira. Tiiyoo ay sidaa tahay ayaa hadana waxa xusuus mudan in magaaladu qabto dayacnaan baahsan oo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada u laf-dhabarta u ah.

Meelaha ugu liita adeegyadaasi ayaa lagu tilmaami karaa nadaafada iyo bilicda magaalada, dariiqkasta oo aad ka laabato, waxay indhahaagu qabanayaan burbur xoogle oo ka muuqda wadooyinka magaalada dhexdeeda. Biyo la,aanta ayaa iyaduna ah arrinta labaad ee culayska wayn  ku haysa  magaalada, tii oo ay dadwaynu ka cabbaan balayada nadaafadoodu liidato ee ku dhex yaala magaalada isla markaana ay ka dhalan karaan xanuuno faafa oo aan loo tag heli Karin. Lama garan karo meesha uu ku dambeeyay iyo dib u dhaca ku yimid  mashruucii biyo galinta magaalada wajaale.

Dhibaatada ka jirta dhanka adeega caafimaadka magaalada wajaale ayaa iyaduna ah mid culus; sidii aan horeba u soo sheegnay waxa muddo 22 billood laga joogo xadhiga laga jaray cusbitaalka wayn ee Degmada, kaa soo la filayay in uu wax wayn ka tari doono baahida caafimaad ee mudada dheeer ka soo jirtay degmada hase yeeshee, nasiib daro waxa uu noqday mid sidii la rabay aan u shaqaynin. Majiraan dhakhaatiir khibradle oo ku filan fulinta adeegyada caafimaad ee bukanku  u baahanyahay. walaw ay jiraan dhakhaatiir aqoon leh oo kazoo jeeda degmada kana hawlgala meelo kale oo dalka iyo dibadaba leh. Dhibaatada kale ee cusbitalka haysata ayaa ah qalab la,aan ragaadisay adeegyadii iyo horumarkii cusbitalku samayn lahaa  iyo isqabqabsi

Soo noqnoqday  iyo maamulka Degmada wajaale oo inta badan aan xil iskasaarin inay wax kaqabtaan adeegyada arimaha bulshada kaalinti looga baahnaa  aanay jirin walo bulshada ku dhaqan magaaladu ay diyaar uyihiin wax wada qabsi iyo iskaashi xaga horumarka ayaa waxaa dhawaan labilaabay jidcade macmal ah oo indhaha umada logu jeedinayo iyado aysoo dhawdahay xiligii doorashadu waxa kale oo dawlada dhexe waaxda hawlahaguu ay bilkahor bilkahor jareen wadada laamaygaa iyoo sheegay inay buundo dhigayaan hase ahaatee waxala dhigay 3  meelod  dhuumo aan ku filayn biyo saarka iyadoo aan lasoconay roobashii Guga ee kada’ay wajaaale iyo deegaanada ku teedsan ee waqooyiga kaxiga biyihii kasoo rogmaday inay qasaare laxaadleh ugasteen wadada lamayga markaa waxaan leenahay ina soo jeedinay inaa cidkasta oo damiir leh oo qaranka u shaqaynaysaa inay sidii danta dalku kujirto  la illaaliyo lagana fogaado in layidhaa qandaraas ayaad qadatay cidkugu dabajirta majirtee qawda maqashii oo wax ha u qaban

Allah Mahad iskaleh

Lasoco Qaybaha danbe

Maxamed Cabdilaahi Qombor

Togwajaa Somaliland

Tell 00252634177785

Email:qombor1@gmail.com