DHAGAYSO:Maamulka Puntland oo Ciidamada Jabuuti ee Somaliya Jooga Ku Eedeeyay Dagaalka Gaalkacayo.

Hoos Ka Dhagayso Maamulka Puntland oo Ciidamada Jabuuti ee Somaliya Jooga Ku Eedeeyay Inay La Safteen Maamulka Galmudug ee Dirirtu Ku Dhexmarayso Magaalada Gaalkacayo.

 

Safarkii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ku tageen Beledweyn

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo safar taariikhi ah ku tagay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana markii ay ka dageen diyaarada la gudoonsiiyay hadiyado ay ka mid yihiin, shaal, koofiyad iyo bakoorad oo ka mid ah astaamaha dhaqanka.

Intaasi kadib ayaa wafdiga labada Madaxweyne waxay xero ku taal duleedka Beledweyn kula kulmeen Saraakiisha Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM ee ka socda Jabuuti iyo Itoobiya, iyadoo kula dar daarmay sii wadida howlaha sugida ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Labada Madaxweyne ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo soo hadal qaaday colaadii ka dhacday dhowaan deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay colaada ayaa sheegay inuu balan qaadayo hadii heshiis la gaaro dhamaan wixii hanti ahaa ee ku bur buray, waxaana uu ugu baaqay odayaasha deegaanka inay u istaagaan xalinta colaadaas.

Sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu si gaar ah ula socday xaalada Gobolka Hiiraan, waxaana uu tilmaamay inay aad u dhibtay dagaalada soo noq noqday ee u dhaxeeyay beelaha walaalaha, waxaana uu ku baaqay in colaada la dhameeyo

“Waxaan ballan-qaadayaa haddii ay odayaasha dhaqanka go’aan ka gaaraan colaadaha deegaannada Deefoow iyo Kabxanley soona afjaraan, in aan bixin doono dhaqaallaha ku baxaya wixii hanti ahaa ee ku burburtay dagaallada” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhaliilay Maamulka Gobolka iyo odayaasha dhaqanka inay wax ka qaban waayeen colaadaha soo noq noqday, isagoo tilmaamay in dadka reer Hiiraan looga baahan yahay inay ka tashadaan aayahooda.

“Dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan waa dad nabada jecel, hasse ahaatee rabitaanka iyo go’aan qaadashada waa ay kala duwan tahay, waxaan leeyahay siddii loo baahnaa looguma guntan joojinta colaada ka jirta qeybo ka mid ah gobolka, waxaa codsanayaa mar koowaad… iyo mar labaad intaba in colaadaas la soo afjaro laguna badallo nabad”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday arrimaha maamul u sameynta, waxaana uu tilmaamay in dhowaan la dhisi doono maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isla markaana Soomaaliya ay haatan u guurtay nidaam federaal ah.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wafdiga labada Madaxweyne ay goor dhow ka soo kicitimeen, mana aanay u gudbin gudaha magaalada Beledweyn, marka laga reebo in xero ciidamada Jabuuti ku lahaayeen duleedka Beledweyn, kuna dhow garoonka diyaaradaha inay kula kulmeen qeybaha bulshada iyo odayaasha deegaanka.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa la filayaa inuu galabta ka ambabaxo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo dib ugu laaban doono dalka Jabuuti.

Waa markii u horeysay oo uu Madaxweynaha Jabuuti booqasho ku tago Gobolka Hiiraan, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu horay dhowr jeer oo hore booqday Beledweyn.