DEG DEGA :Dooxa Aw-barkhadle Ee Duleedka Bari Ee Magaalada Hargeysa Oo Xalay Qaaday Gadiid Ay Dad Saarnaayeen

Waxaana naloo sheegay in labadan gaadhi ay kala ahaayeen gaadhi booyad ah oo kamid ah booyadaha biyaha hargeysa uga soo dhaamiya deegaanka Aw-barkhadle iyo gaadhi calaawi ama VX ah.Wax khasaare ah kama dhicin sida naloo sheegay balse waxa naloo sheegay in dirqi dadkii labadaa gaadhi saarnaa lagaga soo badbaadiyay,iyaga oo ay u gurmadeen dadkii gaadiidka watay ee uu xidhay dooxu.Wadayaasha gaadiidka iskaga kala goosha gobolada dalka ayaa badanaa isku daya marka uu dooxu socdo inay dhaafaan iyaga oo halkaasi kala kulma khasaare kala duwan.