Farqiga u dhaxeeya heshiiskii ay wada galieen jamaal cali xuseen/faysal cali waraabe & kan ay wada galeen gudoomiye ciro, hogaamiye xirsi iyo c/qadir jirde

Sida inta badan bulshada jamhuuriyada somailand ay is waydinayaan waxaan nagu cusbayn heshiisyada ay galaan siyaasiyiinta ku biiraya xisbiyada qaranka.

Farqiga u dhaxeeya labada heshiis ee ka kala dhacay labada xisbi ee wadani iyo ucid waxaanu u aragnaa inuu yahay mid mira dhalkiisu ku biya shubanayo khilaaf wada hadal danbe.

Hadaan faahfaahiyo xisbiga ucid gudoomiyahoodu waxuu heshiis la galay aqoon yahay jamaal cali xuseen waxuuna u balan qaday inuu ka dhigi doono musharaxa xisbiga ucid waqti yar kadib gudoomiye faysal cali waraabe waxuu isugu yeedhay shir golihii dhexe ee xisbiga ucid isagoo ka dalbanaya inay ansixiyaan heshiiska ay wada galen aqoonyahan jamal cali xuseen, heshiiska iyo anisixintaa kadib waxuu aqoonyahan jamaal cali xuseen bilaabay inuu dar dar galiyo hawlaha xisbiga ucid, xisbiga ucid waxuu galay marxalad uu muddo yar ku ahaa urur, se waxuu ku guulaystay inuu kusoo noqdo xisbinimadii uu ahaa xisbiga ucid, muddo kadib waxaa soo baxay khilaaf u dhaxeeya musharaxa xisbiga ucid iyo gudoomiyaha xisbiga ucid, hadalo xanafleh oo saxaafada la isu mariyay kadib waxay kusoo biya shubatay in dacwad ka dhan ah gudoomiyaha xisbiga ucid loo gudbiyo guddii diiwangalinta ururada, kulano ay ka yesheen guddi diwaangalinta ururada iyo xogwaraysi kadib waxay go aamiyeen in loo baahanyahay in xisbiga ucid golihiisa dhexe la isugu yeedho laguna ansixiyo musharaxnimada xisbiga ucid, aqoonyahan faysal cali xuseen kuma uusan qancin go’aanka ay soo sareen guddi diwaangalinta ururada waxuu dacwadii u gudbiyay maxkamada sare waxayna ku go’aamisay in shir deg deg ah la isugu yeedho golaha dhexe si loo an sixiyo musharaxa xisbiga ucid qodobkasoo dulucdiisu tahay aqoonyahan jamaal cali xuseen hadii ay golaha dhexe doortaan wuu noqonayaa musharax hadii ay didaana ma noqonayo musharax,

Xisbiga wadani sarakishiisa ugu sarayso waxay wada hadal la fureen kooxdii la baxday isbahaysiga is badal doonka xisbiga kulmiye wada hadal badan kadib waxuu kusoo biya shubtay heshiis loo dhan yahay, dhigayana inay xisbiga wadani kusoo biraan, aqbalaana waxa loo qorsheeyo inay qataan, qaabkii xisbiga wadani ahaana wax laga badalo sidana loo dhigo, gudoomiyaha xisbiga wadani laga dhigo cabdul qaadir jirde halka hogaamiyaha xisbiga wadani laga dhigo xirsi cali x, xasan musharaxa xisbigana wadanina laga dhigo cabdi raxmaan ciro.

Heshiiskaasi kuma cada mas’uul walba awood xileedkisa waxaana soo baxaya hadalo abuuri kara dareen shaki leh, bulshada inta tageersan xisbigana aysan fahansanayn xisbigoodu heshiiska uu galay waxa uu yahay.

Waxaana dareenka sii kiciyay xoghayaha xisbiga wadani mr uurcadi mar uu waraysi siinayay idaacada bbcda oo wax laga waydiyay waqtiga uu wareejinayo gudoomiyaha xisbiga wadani cabdiraxman ciro sheegayna xeerka xisbiga sida uu qoraya ama aanu ku qornayba waxuu xilka gudoomiye nimo wareejinayaa xiliga madaxtooyada 45casho kadib waa siduu hadalka u dhigaye waraysigaasi waxuu abuuray dareen shaki leh sheegayana in aan wali cadayn hashiis rasmi ah haday tahay marka cabdiraxmaan ciro ladoorto ayuu wareejinayaa sidii madaxwayne axmed silanyo ugu wareejiyay muuse biixi gudoomiye nimada mise haduu helo ama waayo waxuu ku qasban yahay inuu wareejiyo gudoomiye nimada xiligaa la sheegay.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan usoo jeedinayaa xisbiga wadani mas’uuliyiintisa ugu sarayso inay ka fogadaan heshiisyada abuuri kara khilaaf ka dhex dhasha xisbiga gudihiisa, kuna cimri qataan khilaafka xisbiga ucid ragaadiyay bulshadana u cadeyaan heshiiskii ay la galeen sxbada ku biiray xisbiga wadani.