Hooyo Ku Nool Tuulada Toqoshi Ee Degmada Saylac Oo Gargraar Caafimaad U Yaboohisay Wiil 7 Jir Ah Oo Ay Dhashay Oo Dhibaato Ka Haysto Xubinta Taranka …

Borama(GNN):-Faarax Maxamed Faarax waa wiil 7 jir oo ku nool Magaalada Toqoshi ee gobolka Awdal, Faarax waa wiil ay duruufo caafimaad ka haystaan dhinaca xubinta taranka isla markaana Qoyskooda oo ah mid sabool ah aawadeed aanay u suura galin in xaaladiisa wax laga qabto
Hooyo Ayaan Ibraahin Nuur Wacays oo ay Shabakadu kula kulantay Toqoshi ayaa u sheegtay in wiilkeedu farxaan yahay, balse markasta oo ay da’diisu sii korodho uu dareesan yahay in dhibaato ay haysato “Mararka qaar bulshada ayaa dhib ku haysa, dhalinta da’diisa ah waa ka takoormaa, waxana uu dareensan yahay in uu qayrkii ka hadhayo, waxbarashadana waxa aad dareemaysaa in uu soo nacayo cuqdad darteed”
Hooyo Ayaan oo hadalka sii wadata ayaa tilmaantay in ay dhawr goor isku dayday in ay cisbitaal u gayso si xaaladiisa wax loogu qabto waxna ay tidhi “Maalmahaas aan dhaqaatiirta geeyay waxa ay ahaayeen maalmahii uu ugu farxada badnaa, waxana uu I waydiin jiray in wax loo qabanayo iyo in kale, marka ay hawlgaladaas aan caafimaadka ugu raadinaynay ku dhamaadeen natiijo la’aantana waxa ay wax walba ugu madoobaadeen sida habeenka gudcurka ah oo kale, waxa uu diidayaa in uu cunto cuno, waxa uu diidayaa in uu kuu qoslo, ama kula ciyaaro intaba, taasina waa bilawga murugo hor leh oo ka waalid ahaan I saaqda, aniga oo aan waxba ka hagranayna I tusta in aanan waxba ka qaban karin, walow aanay rajadaydu quus ahayn”
Qoyska Faarax ka dhashay waa danyar aanay noloshoodu dhaafsiisnayn quutal yoom-ka maalinlaha ah, waxana meesha ka maqan awoodii dhaqaale ee ilmahan yar rajoda u abuuri lahayd, waana midaas mid ay Hooyo Ayaan dareensan tahay in ay xayndaabka ku noqotay Caafimaad u raadinta wiilkeeda
“Waxaan Ahay hooyo dhiban, Habeenada qaar sida aan uga fikirayo cadceedu way ii soo baxdaa, marmarna Lilmada indhahayga ka qubanaysa ee ay sababta u tahay niyadxumada wiilkaygu taftayda ayay buuxisaa, maalinba maalinta ka dambaysana dhibta wiilkaygu uu qabo waxa ay igu beeraysaa uur-ku taalo, dab aan dareemayo ayaanan moodayaa niyad xumo aawadeed in uu uurkayga shidaayo, waxa sii kordhaaya quusta aan ka taaganahay in aan caafimaad u raadiyo, inkasta oo ay deeqdii Ilaahay ay noo maqan tahay, waxa la yidhi qaliin xoog badan oo lacag badan ku baxayso ayuu u baahan yahay, taasna ma awoodno oo hayntayadu way yar tahay, waxanse rajo ka qabaa in umada Muxsiniinta ah ee jiidhoodu damqanayo ay ila dareemaan dhibta I haysata, igana soo taageeraan sidii rajada wiilkaygu qabo ay ugu rumoobi lahayd”
Si kastaba Ha ahaatee waa duruufo nololeed iyo adag waxa uu ku nool yahay Faarax Maxamed, Waxana ay Hooyo Ayaan Ibraahim Nuur ay ku rajo waynahay in ay taageero ka hesho Umada Muxsiniinta ah iyo cid walba oo ka damqanaysa dhibta haysta wiilkeeda, iyada oo markaasi lagala soo xidhiidhi karo 0634596676
Maxamed Bili bili
Boorama