Ma Dhabaa Saaxiibtinimada Cabdiraxman Sayid Farax (Jeesto) Iyo Xirsi Cali X.Xasan Maxayse Daaran Yihiin dhaq-dhaqaaqyada Gobalka Gabiley Uu Ka Wado Jeesto ???

Mudane C/raxmaan  Sayid  Faarax  (Jeesto)  waxa  uu  ka  mid  yahay  siyaasiyiinta  da,da  yar-yar  ee  gobalka  gabiley  gaar  ahaan  masuuliyiinta  xisbiga  wadani  ugu  fadalada  cad-cad  isla  gobalka  gabiley  Marka  laga  hadlayo  xaga  shakhsiyada  jeesto  iyo  wadani,  wuxuu  ahaa  halyey  u  diran  xisbiga  ma  gabade  miisaankiisa  muujiya  oon  cidna  u  daba  fadhiisan  aragtidiisa  siyaasadeed,  isagoo  inta  badan  lagu  arki  jirey  tashkiilinta  hawlaha  xisbiga  ayaa  ay  in  muda  ah  calaamad  su,aal  dul  hoganeysay  waayo wuxuu  ka  gaabiyey  hawlihii  lagu   yaqaaney  waxaanu  bilaabey  inuu  Daaha  ka  daba  maamulo  hawlo  siyaasadeed  oo  gobalka  gabiley  ka  fulay,  kuwaasuu  dhakadooda  lahaa.

Dadka  aadka  u  yaqaanaa  jeesto  waxay  ku  sheegeen  nin  karti  badan,  Aad  u  fikira,  Maskax  furan,  Siyaasi  fahansan  waaqaca,  Xoogagaal  dibloomaasiya,  iyo  sidoo  kale  nin  Go,aan  leh  oo  aan  lagu  ogayn  isbad-badel  Mayalkiisuna  adag  yahay,  mr  jeesto  waa  nin  ku  qiirooda  markuu  hawl  hayo  oon  ka  seexan  ilaa  uu  dhameeyo  oo  uu  ka farxasho.

Waa  dibloomaasi  aad  uga  war- haya  Siyaasada  Arimaha  Dibada  oo  wax  badana  ka  qora  kuna  rajo-weyn  himilooyinkiisa  haneed,  waa  shakhsi  kalsooni  badan  ku  qaba  naf  ahaantiisa  mar  kastana  dadka  u  gar-gaara,  wuxuu  leeyahay  shacbiyad  badan  iyo  saaxiibooyin  farabadan  kuwaasoo  wax  badan  u  suura  galiya,  waa  nin  dadka  waaweyn  iyo  odeyaasha  ku  xidhan  oo  bulshaawiya  dadka  aad  u  kala  yaqaana  si  xad-dhaafa,  markaa  shakhsigan  oo  koobsadey  dhamaan  astaamihii  Siyaasinimo  waxaana  lagu  yaqaanaa  inuu  aragtidiisa  markasta  shacabka  la  wadaago  dabadeena  uu  ka  dhaadhiciyo.

Hadaba  rug-cadaagan  dhuunta  ku  soo  jira  ayaa  maalmahan  danbe  aad  laysu  weydiinayey  balse  waxay  diyaaradiisu  cago-dhigatey  gagida  Xirsi,  haatan  waa  saaxiib  ka  ag  dhaw  xirsi  waliba  raguu  aadka  ugu  kalsoon  yahay  Mudane  Xirsi,  mudooyinkan  lays  weydiinayey  wuxuu  ku   mashquuley inuu  xirsi  u adeego  oo  uu  ka  shaqeeyo  dano  u  gaara  xirsi,  waxa  la  xaqiijiyey  inuu  ka  qayb  qaatey  group  dhalinyaro  ah  oo  kalsoonida  xirsi  ka  shqaynaye,  kuwaasoo  ka kooban  guud  ahaan  reer  Somaliland  dhalinyaradooda  isagu  waa  odeyaasha  hogaamiya  ee  hawshaa  xirsi  u  daba  fadhiisto.

Sida  ilo  logo-qaateenii  ay  sheegeen  wuxuu  maalmahan  ugu  danbeeyey  ku  fooganaa  c/raxmaan  sayid   faarax  olole  iyo  arimo  kaanbayn  oo  uu  mus-danbeed  ka  ahaa  lama  oga  waxay daaran  yihiin  laakiin  waxa  la  xaqiijiyey  habeenimadii  isniintii  inuu  shir  dhalinyaro  oon  la  fahansanayn  ku  qabtey  gudaha  magaalada  gabiley  Gaar  ahaan  Suuqa  Xerakirta  Guryaha  ka hooseeya  lama  shaacin  wixii  ka  soo  baxey  kulankaasi  dhalinyaradu  waxay  u  badnaayeen  dhalinyarta  beesha  gobalka  gabiley  degta  waxaanu  ku  tiiq-tiiqsadey  inuu  sanadkan  yahay  Kaadirka  kaliyee  Gabiley   dhalinyartana  barnaamij  la  taaban  karo  u  hayo.

Kulamadu  kaliya  kumay  koobnayn  gabiley  balse  usbuucanba  wuu  wadey  lamana  fahmoo  waa  guudaa  Salax  madaw  dantiisa  fuliya,  Waxyaabaha  kale  la  helay  waxaa  ka  mid  ahaa  in  maalin  dhawayd  loo  soo  dhiibey  bahal  lacaga  oo  horumarisa,  isna  uu  ku  farashey  dhamaan  dhalinyaradii  degaamada  uu  kula  kulmey Sida  Degmada  Tog-wajaale,  Alleybadey,  Arabsiyo,  Geed-balaadh,  Yaga  uu  badhna  deegaamadooda  ugu  tagey  halka  qaarna  ay  ugu  yimaadeen  gudaha  gabiley.

 

Qun-yarsocdahan  ayaa  ka  dib  markuu  ku  guulaystey  inuu  xirsi  aamino  una  daba  fadhiisto  arimaha  galbeedka  isaguna  u  tafo  xaytey  siduu  dadka  aragtidiisa  uga  dhaadhicin  lahaa,  yadoo  la  helay  sida  laga  wariyey  rag  la  waayey  kasbashada  Xirsi  oo  ku  hugoobey  inuu  xirsi  ku  faano  oo  uu  yidhaahdo  nin  dhaqankaygii  leh  ayaan  helay  waxaanan  Inshaa –allaahu  talaa  marin  doonaa  jidkaygii  oo  kale sidaan  hubana  wuu  ka  soo  bixi  doonaa  rajadaan  la  damacsan  nahay  yarkaa.

Hadaba  waxa  is  weydiin  mudan  Inankan  yar  muxuu ku  aaminey  odeygu ee  uu  kalsoonida  iyo  filashada  intaa  leeg  ula  damcey,  Runtii  waxa  la  helay  ninku  markuu  wax  doonayo  isagaa  dadka  kala  doorta  oo  kala  yaqaan,  hadaba  intaaney  is  baran  xirsi  wuu  indho-indheeyey magaalada  gabiley  waxaanu  arkey  qof  aan  hunguri  u  rooreyn  oo  aragti  fog  leh,  hankiisu  cirkaa  yahay  si  madaxtimo  leh  u  dhaqma  waliba  saaxada  siyaasadana  wax  badan  ka  og,  kaliyaata  xirsi  kumuu  dayn  jeesto  ogaanshaha  kartidiisa  waxaanu  ka  wareysan  jirey  dadka  reer  gabiley  haday  tahay  cuqaal,  aqoonyahan,  saxafiyiin,  siyaasiyiin  waxaney  u  sheegeen  inuu  yahay  ruux  mab;da  leh  oon  labac-labac  ahayn  sidaa  darteed  xirsi  jaaniskaasu  ka  faa,iideystay  yarkiina  isagaa  madaxa  ka  qabsadey,  wax  badana  u  sheegay  si  uu  u  noqdo  xirsiyoo  kale  waayo  wuxuu  u  sheegay  iney  meelo  badan  iska  matalaan  sida  Gaabnida,  Hal-abuurka,  Fir-fircoonida,  Hadal-yaqaanka,  Kalsoonida,  Badheedhka,  waxaanu  u  sheegay  kaliya  gacan  qabasho  uu  u  baahan  yahay  taasina  uu  xirsi-gaab  siinayo  si  uu  mustaqbal  siyaasadeed  u  yeesho.

 

Wariye:   Cali-mahdi  Jibriil  Xasan

Hargeisa/somaliland