Maamulihii hore kastamka Kalabaydh oo bilaabay dhuumasho dhabarku muuqdo

marka laga soo bilaabo markii xilka loo kala warejiyey Maamulihii hore ee kastamka kalabaydh iyo Maamulaha cusub ee imika haya maamulka kastamka waxa is-daba-joog noqdey maqaalo ka soo baxa Warbaahinta qaarkood kaasi lagaga hadlayo kastamka iyo isbadalka ka dhacay, lagana faafinayo Maamulaha cusub ee Kastamka kalabaydh dacaayaad raqiis ah oo lagu wiiqayo Masuulka dhawan loo magacabay Kastamka.
Sunnaha dawladnimo iyo dabcigeeda ayay tahay in mar kasta is-badal lagu sameeyo goobaha shaqadu ka socoto, si loo dar-dar galiyo hawlaha xaruntani ku hawlan tahay,
waana wax mar kasta ka dhaca guud ahaan Xarumaha Dakhli qabashada in is-badal lagu sameeyo, hase ahaatee waxa meel ka dhac ah, milgaha Shaqaalanimona ka baxsan in Masuulka Meel loo igmado, ama laga wareejiyey Goob uu Xilkeeda hayey, in marka uu ka tago shaqadii uu ku cambaareeyo Masuulkii xilka kala wareegay, Isaga oo u soo maraya Warbaahinta Maxaliga, kuna durraya ceebayn iyo Aflagaadooyin, badheedh ah oo u muuqata mid ah dhuumasho dhabarku muuqdo. taasi oo ah Shakhsi weerar… Allena aanu raali ka ahayn in Qofnimada aan Meel ka dhac looga Ogollaanin …
Arrintani ayaa nusqaan ku noqonaysa dhaman shaqaale waynaha Somaliland in la isku soo daba fadhiiisto warbaahinta…. Waana Wax ku cusub gaar ahaan Wasaarada Maaliyada ….
Waxa wax laga xumaado ah, in Maamulihi hore ee Laga badalay Kastamka kalabaydh uu ku tilmaamo Maamulkii uu xilka ku wareejiyey in uu Hanti-Boob sameeyey, Isaga oo aan Joogin Wiig gudihii…
Masuulka Imika haya Kastamka kalabaydh waxa uu hore u maamulayey Kastamka Muddo Laba sano ah, hadii wax musuqmaasuq ah lagu hayo Mar labaad looma soo Igmadeen , hadii uu wax musuqmaasuqayana hore ayuu u musuq-maasuqi lahaa…
Muddadii uu Joogay Maamulihii horena Cid alla Cid ku cambaaraynaysay may jirin balse waa lagu garab-joogay shaqadiisaa iyo Xilka uu u hayey qaranka…
Guntii iyo Gaba-gabadii waxaa Mamnuuc ah in Masuul Xilkii uu u hayey Qaranka marka laga fadhiisiyo in uu ka hadlo, Xogtii uu Gacanta ku hayn jiray, waxna kaga sheego Masuulka uga danbeeyey Xilka . Cawaaqib xumada ka dhalata arrintaas oo kale waxay saamayn taban ku yeelanaysa dhaman Masuuliyiinta Goobaha Dakhliga… waana Arrin ugub ku ah shaqaale waynaha Somaliland ….

 

W/Q Eng Amed Daahir Yoonis

Gabiley.net