Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Dhambaal Tacsi U Diray Ehelada Marxuun Maxamuud Axmed Faarax.

Hargeysa(GNN)-Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland ahna kusimaha Madaxweynaha Qaranka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),isagoo ku hadlaya Magaciisa iyo qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu Dhambaal tacsi ah hawada u marinayaa Qoyskii,qaraabadii,ehelkii,iyo dhamaan Shacbiga Reer Somaliland Geerida naxdinta leh ee Marxuum Maxamuud Axmed Faarax oo shaley ku geeriyooday Magaalada Boorame,Waxaanu Marxuumkaas illaahey uga baryey in uu janadii Fardowsa ka Waraabiyo Samir iyo Iimaana kasiiyo Qoyskii Qaraabadii ehelkii iyo dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxey Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin “Waxaan illaahay uga baryayaa Marxuumkaas oo ay kutimid Geeri Si Fool xun u dhacdey hadana Qadarka Eebe ayaan la baajin karine inuu Illaahay Janadii fardwasa ka waraabiyo Qoyskii,ehelkii,qaraabadii iyo dhamaan Shacbiga Reer
Somaliland ee uu ka baxeyna ilaahay Samir iyo Iimaan kasiiyo Aamiin Aamiin Aamiin allha inaga Aqbalo”