Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo La Kulmay Xubno Ka Socda Hay’adda IFC Ee Baanka Adduunka
Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socday Ururka IFC oo ka tirsan Baanka Aduunka oo u yimi sidii loo kobcin lahaa Dhaqaalaha Dalka iyo Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Ganacsiyada gaarka ah, waxaa kulankan si qoto dheer loogu lafo-guray sidii loo horumarin lahaa Ganacsiga gaarka ah iyo koboca dhaqaalaha.
Waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku si balaadhan uga hadlay in Xukuumad ahaan ay wax badan ka qabteen sidii loo horumarin lahaa ganacsiga iyo ganacsatada, doorweyna ay ka geystaan kobocooda dhaqaale. Xubnaha ka socday baanka Aduunka oo ka koobnaa laba xubnood oo kala ah, Marwo Kaltuun Maxamed Xasan iyo Mr Patrick Banya ayaa iyaguna tilmaamay in ay si weyn ula shaqayn doonaan Xukuumada iyo ganacsatada.
