Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Oo Ka Hadlay Guddoomiyenimada Xisbiga WADDANI Ee Lagu Wareejinaayo Beesha Gobolka Hawd.

Hargeisa(GNN):-Xasan Ciise Jaamac guddoomiyihii hore ee ururkii Xaqsoor ,kana mid ahaa ururkii SNM iyo Madaxweyne ku xigeenadii soo maray Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xilka guddoomiyenimo ee uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI ku wareejinaayo beesha gobolka Hawd oo uu kazoo jeedo.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo qoraal uu arrintaasi kaga hadlaayo soo saaray ayaa soo dhoweeyey talaabada uu qaaday guddoomiye Cirro ee uu xilkaasi ku wareejinaayo.

Qoraalkaas oo soo gaadhey xafiiska shabakada Halgannews ee magaalada Hargeysa ayaa u dhignaa sidan:-

Waatan maanta [shalay] xaflada lagu qabtay Ambassador ee ay isku afgarteen in Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde loo magacaabo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, markaa Cabdiqaadir ayaan aqoon u leeyahay oo aanu isku kacaan ahayn, iskuulkana isku sanad ahayn markaa waan hambalyeynayaa waana nin aan ku kalsoonahay, waxaanu ka mid yahay ragga maanta wadanka somaliland jooga ugu aqoonta badan uguna fahmada badan dhinaca siyaasada uguna waaya aragsan lana aamini karo, markaa aad iyo aad ayaan u hambalyeynayaa Cabdiqaadir Jirde.”.

Mujaahid Xasan Ciise ayaa sidoo kalena ka hadlay siduu u arko Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo la wareegi doona guddoomiyenimada Xisbigaasi ,waxaanu isaga oo hadlakiisa sii wata yidhi :-

“Cabdiqaadir Jirde waa nin aan ku kalsoonahay waana nin aan aaminsanahay inuu wax badan ka tari karo meel kasta oo uu ku biiro markaa waan tahniyadaynayaa waanan ku hambalyeynayaa hawshaas cusub ee uu qabtay waxaanan u rajaynayaa in ilaahay ku asturo.”