Musharaxa Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Bristol ee Dalka UK + SAWIRO

Bristol(GNN)Jaaliyada Somaliland Ee Kunool Dalka UK Oo Soo Dhoweyn balaadhan u Sameeyay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Bristol ee dalka UK, ayaa munaasibad ballaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyey Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga hadda dalka Ingiriiska.
Kumanaan qof oo ka mid ah qurbo-joogta muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Bristol, ayaa xaflad taageero ay ugu muujinayaan Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE u qabtay, iyadoo ay wehelinayeen wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiy, Xannaanada Xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Qorshaynta Qaranka Md. Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe), madaxda laamaha KULMIYE ee dalalka Yurub iyo masuuliyiin kale.

Log1