Qormadii 3aad Daarasad Daahfurtay- Zaadka oo Kaalinta Koowaad Kaga Jira Hoos u Dhaca Dhaqaale ee Dalkeena iyo Mooganaanta Dhibkiisa ee Shacabka. W/Q: Proff. Mursal Abdillahi Ismail.

5. Xaq ma u leedahay sharci ahaan inay isticmaasho lacagta zaad ugu jirta muwaadiniinta isticmaalaya?
Waxa taas kasii daran halkaas maka hadhay shirkadu faa’idada lacageed ee ay ka hesho shacabka somaliland oo aqoon la’aantu ragaadisay iyo maamul xumadu.
Maya kagamay hadhin ee waxa ay ku qanciyeen telesom waxay isticmaali kartaa lacagta kuugu jirta adeega zaad marka aad u baahatana aad heli kartid sida nidaamka bangiyada islaamiga ah ay u isticmaalaan lacagta ugu jirta macaamiisha bangiyada islaamiga ah ee lacagtooda dhigta account loo yaqaan (Current account)ka marka ay u baahdaana lacagtooda ay heli karaan.
Hadaba sidee loogu ogolaaday bangiyada islaamiga islaamiga ah isticmaalka lacagtaas. Se shirkadu ma isticmaali kartaa lacagtaas.
Iyadoo ay halkaas inoo taagnayd qormadii labaad waxaan muwaadin ka hadli doonaa qodobka ay shirkadu u cuskatay ama ku xalaashatay in ay isticmaali karaan lacagta ugu jirta zaad qofkuna marka uu doono heli karo sida bangiyada islamiga ah oo kale.
Markii loo ogolaanay bangiyada islaamiga ah in ay isticmaali karaan lacagta zaadka waxa culimada islaamku ay ku shireen magaalada JIDAH ee dalka SACUUDIGA, waxa ay inbadan falanqeeyaan in islamic banks ay isticmali karaan lacagtaas iyo inkale kadib dood dheer oo dhinacyo badan taabatay waxa lagu ansixiyay in uu bangiga islaamiga ahi uu itsicmaali karo lacagtaas.
Hadaba sidee ayuu ku isticmaali karaa? sharci ahaan waxa loo ogolaaday heshiiska qofka macmiilka ah ee leh current account in marka account loofuraayo uu heshiis la galo bangiga hadii heshiiskaas la isku wafaqo uun loo furaayo hadii kalena qofku xor u yahay inuu aqbalo iyo inuu diidaba.
Waxa heshiisyadaas ka mid ah in qofku lacagtaas uu amaahiyo bangiga islaamiga waxa luuqada carabiga loo yaqaan (QARDI) oo heshiiska ku cad qodobka koowaad xiliga uu doonana uu bangiga lacagtaas ka heli karo, waxa kale oo heshiiskii ka mid ah in bangigu damaanad buuxda ka qaadayo lacagtaas qofka macmiilka ah u taal bangiga oo hadii xitaa hadii bangigu uu xidhmo uu qofka ka heli karo bangiga iyada oo maxkamadu sharci ahaan banaynaysa in la xaraasho hantida bangigaas.
Heshiisyadu way badanyihiine marka aad hadaba muwaadin is barbardhigto heshiiska shirkada telesom ay macmiilka zaadka la galayso iyo heshiiska bangigu la galaayo macmiilkiisa maxaa farqi ahaan u dhaxeeya.
Waxa farqi ahaan u dhaxeeya 1. In shirkada telesom heshiiskeeda ku cadayn in uu qofku lacagtaas amaahiyo 2.inaanay wax damiin ah ka ahayn ama aanu qoralka ku cadayn hadii adeegu khalkhalo in uu qofkaas masuul uga tahay hantidiisa.
Taas waxa sii dheer shirkadu maaha bangi islaami ah ee waa shirkad isgaadhsiineed adeega zaadka bixisa. Heshiiska xaga sare ku xusana waxa culimadu islaamku u ogolaadeen bangiyada islaamiga ah.
Taasi waxay ku tusaysaa in ay ama aqoon la’aan jirto ama badheedh cad oo lagu xadgudbayo shareecada islaamka iyo boobitaanka hantida shacabka, Ilaahay SWT waxa uu inoo sheegay qur’aankiisa kariimka in ay kukala cunin maalkiina baadil ilaa ay jirto tijaaro aad raali iskaga tihiin.
Muwaadin miyaanay taasi ahayn in diinteenii suubanayd sida ay ina fartay laga leexday taasina xaaraam ka dhigayso isticmaalka adeega shirkada ee zaadka.
Waxan halkan ku cadaynayaa in ay kala duwanyihiin bangiyada islaamka ah iyo shirkad isgaadhsiineed ayna kala leeyihiin shuruuco kala xadeeya waxaanan shirkada telesom usoo jeedinayaa ilaahay ayaan idinku dhaarshee u tudha bulshadiina maadaama dawladu ay wax idinka qabayn wayday idinku aqoontii, diintii iyo dhaqankiiba aad jabiseen.
Waxa ay shirkadu bilkasta faa’idaa 7.5 billion of dollar hadana lacagtaas laftirkeeda zaadka lagu isticmaalayo ee macaamiisha ayay sifo sharci daro ah ku isticmaashaa.
Waxa ay taasi hormood u noqotay in dhaqaalaha somaliland aanu waligii ka baxayn sixir bararkaas bulshada dalkeenuna ay ku dulmanaan doonaan oo lakala noqday laba dabaqadood ilaa laga gaadho in dib loogu noqdo wakhtigii dhaqalaha aduunku gaadhay IIDOORI ama BARTER SYSTEMkii, oo ay horseed u tahay isticmaalka zaadku.
Waxa meesha ka baxay isticmaalka lacagta somaliland oo aan wax qiimo ah aan kulahayn dalka lacagta iska leh ee somaliland, taasina ay u sababtahay isticmaalka lacagta dollarka ee wadanka maraykanka laga leeyahay, bal waxaad u fiirsataa suuqyada somaliland ama meheradkasta marka aad wax ka ibsanaysid qiimaha waxa laguugu sheegaya dollar miyaanad maalin kaliyaata iswaydiin halkan aynu joognaa ma somalilandbaa mise waa america.
Muwaadin hadaad in uun u damqanaysid dhaqaalaha dalka, hantida shacabka, badbaadinta ama kor u qaadista ama u hogaansanaanta sharciga ilaahay, ka foojignoow waxyaabaha dhaawacaya oo dhan oo ani ahaan daraasadayda kaalinta koowaad kaga jirto lacagta mobileska lagu isticmaalayo oo ay ugu horayso ZAADKU.
LASOCO QOMADA 4AAD OO AAN VIDEO AHAAN IDIINKU SOO GUDBIN DOONA IN SHAA ALLAH.

Qalinkii: Proff. Mursal Abdillahi Ismail.
Economist and Financial Transections Analyst
Mursal445@hotmail.com