Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo Dib U Dhac Ku Yimid iyo Sababta …….

Waxaana xogahani Sheegaysaa in shirwaynahani dib u dhacay  muddo 10 maalmood ah isaga oona la filayo inuu qabsoomi 20,10,2016-ka isla markaana uu socdo muddo laba maalmood ah.Shirwaynaha ayaa lagu sababeeyey dib u dhaciisa xaflado taageero lagu soo dhawaynayo oo kusoo beegmaya xilligii loo asteeyey shirwaynaha iyada oona la filayo in maalinta khamiista ah xaflad soo dhawayn ah loo qabto garabka isbahaysiga KULMIYE oo hadda wada hadal u socdo xisbiga WADDANI.

Shirwaynahan golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ayaa hore dib udhac ugu yimi isaga oo hore ugu astaysnayd inuu qabsoomo 1-10-2016-ka,balse arimo la xidhiidha diiwaangalintii codbixiyayaasha ee ka socotay gobolka Sool awgeed dib ugu dhacay.

Gabiley.Net , Kala Soco wararkii u dambeeyay