Shirwaynihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo Maalintii Labaad Ka Socda Magaalada Hargeysa

Waxa maalintii labaad magaalada hargeysa gaar ahaana hotel Maansoor ka socda shirwaynihii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI kaasi oo maalintii shalay ahayd si rasmi ah u furmay.
Waxaana shirkan maanta lagu soo marti qaaday aqoonyahanka,dhalinyarada jaamacadaha dalka,siyaasiyiin miisan culus leh iyo waliba barafasoorada jaamacadaha dalka dhiga.
waxaana masuuliyiinta xisbiga WADDANI iyo aqoonyahankani ay maanta is waydaaarsan doonaan afgaar iyo aragtiyo kala duwan taasi oo la sheegay in waxii afkaar ah ee ay soo jeediyaan isla markaana munaasib ah lagu dari doono buuga xisbiga WADDANI doonayo inuu kaga qayb galo doorashada somaliland.
Shirwaynahan ayaa maalinta sabtida soo xidhmi doona iyada oo maalintaasina ay noqon doonto maalintii codaynta isla markaana la kala saarayo musharaxiinta u tartamaya jagada madaxwayne ku xigeenka xisbiga WADDANI oo kala ah Axmed Muumin Seed iyo Dr Maxamed Cali Cabdi.

Log11