Siyaasi Cabdi Haybe Oo Ka Hadlay Shirka Golaha Dhexe Ee Wadani Iyo Safarka Madaxwayne Silaanyo

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in labada Doorasho ee la kala qaaday ay Somaliland u keentay in sumcadii ay Caalamka ku lahayd hoos u dhacdo, waxa kale oo uu ka hadlay Shirka Golaha dhexe ee Waddani, wada hadalada Isbahaysiga, iyo arrimo kale, waxaanu ugu horeyn isagoo ka hadlaya safarkii Madaxweynaha ee Dubia ayaa yidhi “Waxyaabahan la sheegayo ee la leeyahay Odaygu marku tagay Dubai Warshada Sibidhka iyo Saldhig Milatari ee la leeyahay Imaraadka ayaa la siinayaa, oo la yidhi Ciidamada iman doonaa waxay noqon doonaan Masaari., Imaaraad iyo waxyaabo noocaas ah, waxay taasi keenaysa inay colaad ina dhex dhigaan Itoobiya, waayo haddii Masaari meesha soo gasho macnaheedu wuxuu noqnaya Biyaha Niilka ayaa lagu dagaalamayaa, inagana dhibaato ayey inoo tahay haddii Masaari soo gashay,”.cabdi haybe
Cabdi Haybe mar aanu wax ka weydiinay Labada Doorasho ee la kala qaaday wuxuu yidhi “Markii hore labada Doorasho waa la isa saaray oo waa lagu heshiiyey, Caalamkuna markhaati buu ka ahaa,markii dambena waa la kala qaaday, markaas haddii laga baxay wixii lagu heshiiyey oo carqaladi timid, aaminaadii baa xumaanaysa, oo aad bay u adkaanaysa in Caalamku ina aamino mar kale haddii ay timid in heshiiskii laga baxay, lana dhegaysan waayey, waxaanad moodaysa hadda in indhihii Caalamku inaga sii jeedsanayo, oo sumcadii aynu Caalamka ku lahayn uu soo xumaanayo, madaama wixii lagu heshiiyey laga baxay, ee ALLE ha inoo sahlo”.

Cabdi Haybe mar uu fariin u diraayey Komishanka Doorashooyinka ayaa yidhi “Komishanka Doorashooyinku waa inay xilkooda ka soo baxaan, oo Doorashooyinkan marna la kala qaadayo marna la isku dhufanayo wali hadalkoodii lagama hayo, waa inay ka hadlaan, oo bal Doorashada Madaxtooyadu wakhtigeedii ay ku dhacdo”

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ayaa wuxuu yidhi“Shirka Golaha dhexe ee Xisbigu wuxuu dhacaya tobanka bishan, wuxuuna ku dhammaan doonaa guul insha allaah”.