Somaliland oo ka Hadashay Qorshe Imaaraadka Carabtu Kaga Dalbaday Saldhig Milatari

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii u horeysay sheegtay in Imaaradda Abu Dubai ee dalka Imaaraadka carabtu ay madaxweyne Axmed Siilaanyo ka codsadeen inay saldhig milatari ka samaystaan madaarka Berbera.

Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka, Farxaan Aadan Haybe oo shalay ka warbixiyay socdaal uu ku tagay dalka Imaaraadka carabta. Waxa kale oo uu ka hadlay kulamo uu la yeeshay shirkado kala duwan oo xaruntoodu tahay imaaraadka carabta.

“Waxaan doonayaa inaan warbixin ka bixiyo safarkii aanu ku tagnay Dubai weftigii uu hogaaminayay Madaxwaynuhu qeybtii ka khusaysay Wasaarada Duulista iyo Hawada,Safarkaasi waxa uu ahaa safar qiimo leh oo ujeedadiisuna ahayd baadi doonka wixii dadkan iyo dalkan-ba u dan ah. Madaxwaynaha iyo weftigiisu waxay marti-qaad rasmi ah ka helaan dalka Imaaraadka carabta khaasatan imaarada Abu Dubai, waxaanu la kulanay madaxda sare ee dawladda iyo shirkad la yidhaa (Abu Dubai development fund), oo run ahaantii ah sida (Kuwait development fund) ee innoo maal-gelisay Madaarrada halkoodii oo kale ku jirta.

Waa Hay’adda dalka u qaabilsan deeqaha khaasatan Imaarada Abu Dubai, markii Madaxwaynaha iyo weftigiisu u baxeen Ingiriiska, anigu waxaan kaga hadhay Dubai si aan ula kulmo shirkadaha aanu wada shaqaynta leenahay ee halkan nagala shaqeeya, aniga oo daba socda shir hore oo Wasiiru dawlaha iyo Agaasimaha Guud ku tageen halkaas,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu sheegay in dhawaan madaarrada Somaliland la keeni doono xunbadda lagu bakhtiiyo diyaaradaha, waxaanu yidhi “Shirkadahaas waxaa ka mid ahaa shirkadda fly Dubai oo aanu ka sugaynay inay keento xunbada lagu bakhtiiyo Diyaaradaha, biyuhu ma bakhtiiyaan Diyaaradaha ee waxa bakhtiisa wax xumbo (foam) loo yaqaano sidii loo soo tabaabulshayn lahaa waxa kale oo ka mid inay noo tababaraan hablo (hosts) ah oo Diyaaradahooda ka shaqeeya oo illaa 50 qof ah oo runtii taasi aanay Wasaarada hoos imanayn ee ay ka wada shaqayn doonaan Edna Hospital, waxa kale oo ka mida inay Shaqaalaha wasaarada qaarkood tababar siiyaan iyo waxyaabihii kale ee balan-qaadyo ahaa ee naga dhexeeyay, Waxaan kale oo aan la kulmay shirkadaha kale ee maxaliga ah ee Daallo iyo Juba wada shaqaynta iyo adeega dadka la siiyo sidii loo xoojin lahaa.”

Wasiiraka Duulista iyo hawada oo ay warbaahintu wax ka waydiisay faragelin ay Somalia ku hayso hawada Somaliland ayaa waxa uu sheegay inay halgan badan u galeen hawadda Somaliland waxaanu yidhi “Dawlada Somalia waxaan wada leenahay iyo waxaan kala suntanayba way jiraan oo in laga wada hadlo u baahan, wax jiray shirar hore oo Adduun weynuhu nagu dhex dhexaadinayay sida kii Istanbuul kow oo heer Madaxwayne ahaa, Istanbuul laba iyo Istanbuul saddex ayaa jiray mar walbana Dawlada Somaliland waxay ku doodaysaa waar aynu ka wada hadallo wixii aynu wada leenahay. wixii kale ee heer caalami ahna aan si kumeel gaadha uga wada shaqayno.”

“Waxaan isleeyahay maroorsina ku suuro geli mayso oo awood uma laha cid baana innoo dhaxaysa ciddaasi haddii ay dhex dhexaadnimada ka baxdo Somaliland waxay awood u leedahay inay nidaamkeeda dhammaystirato oo ay hawdeeda maamulato Diyaarad kasta oo hawada Somaliland soo gashana ay la xisaabtamto. Somaliland 2017 – 2018 in dhammaystirato qalab ay hawdeeda ku maamulayso qorshaha ayuu ku jiraa oo aanay cidna isu daba taagayn, awoodaana waanu leenahay laakiin waxaan ixtiraamaynaa Hay’ada nagu dhex jirta ee ICAO,”ayuu yidhi Wasiir Farxaan Aadan Haybe.

Waxa kaloo Wasiirku sheegay inuu dhammaan Madaarrada dalka socdaal qiimayna ku soo mari doono.waxaanu intaas ku daray in Madaarka Burco (Soil sample) ama ciidii tijaabada ahayd laga qaaday si loo soo hubiyo. “Shirkad Ethiopian ah ayaa ku guulaysatay oo dhisaysa sida ugu dhakhsaha badan ayaa loo bilaabayaa dhabada diyaaraduhu ka haadaan (run way)-ga ee madaarka Burco,” ayuu yidhi. waxa kaloo uu dadweynaha Somaliland ugu bushaareeyay in dhawaan ay shirkadda Air Djabouti ka bilaabayso duulimaad Madaarka Berbera.

Mar Wasiirka wax laga waydiiyay inay Dawladu Madaarka Berbera ku wareejinayso dawladda imaaraadka carabta si ay Saldhig uga dhigtaan, waxa uu kaga jawaabay “Madaxweynaha waxa ay waydiisteen Imaarad Abu Dubai in ay saldhig ka samaysataan Madaarka Berbera, waa codsi, codsina macnihiisu maaha waa la iibiyey, xitaa heshiis lama gelin, Dawlad dhulkeeda in ka mid ah Dawlad kale ka Iibisayna ma jirto, Jabuuti ayaa ugu dhow oo waxa ay ka faa’iidaysataa waxa weeye saldhiyo ayay dawlado kale ku leeyihiin.”