TALO KU SOCOTA XUKUUMADDA, BARLAMAANKA IYO AXSAABTA QARANKA BY: Cali Xaruuri

Waxaa jirta in kadib markii ay Somaliland dib ula soo noqotay qaranimadeed ay dhacday in waddanka aynu deriska nahay
ay ka bilaabantay maamul goboleedyo aad mooddo in la koobi-garaynayo nidaamka iyo qaab-dhismeedka Jamhuuriyadda Somaliland, sida:-
1. in ay la baxaan oo mid walba xagga damba kaga darsaday -LAND sida Putland, jubbaland,
2. ka sii darane ay ay samaysteen Madaxweynayaal iyo gole wasiiro iyo weliba baarlamaan.
3. waxay xattaa isku deyeen in ay doorasho qof iyo cod ah (one man one vote) ay sida Somaliland ay samaystaa laakiin ay ku fashilmeen, sida putland iyo dawladda dhexe ee Xamar.
4. waxay haattanna wad-wadaan oo ay la daalaa dhacayaan in Dawladdooda dhexe ay yeelato golo guurti oo laga koobigareeyey Somaliland.
SOO JEEDIN
Si haddaba aynu uga duwannaano qolooyinkaa Somalia waxaan soo jeedinayaa in Golaheena fulinta ama wasiiradda xukukuumadda laga bedelo Title-kii wasiirka oo lagu bedelo Xoghaye, waana sidan :-
Xoghayaha Arrimaha Dibedda (Secretary of Foreign Affairs)
Xoghayaha Arrimaha Gudaha (Secretary of Interior)
Xoghaha Gaashaan-dhigga (Secretary of Defense)
Xoghayaha Maaliyadda (Secretary of the Treasury) IWM
Wa billaahi tawfiiq
Cali Xaruuri
Holland