Somaliland Mental Health Support Organization Oo Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Ku Qabtay Kulan Lagu Xusayo Todobaadka Xanuunka Dhimirka+Sawiro

Hargeysa(GNN)-Ururka ka shaqeeya taageerida dadka dhimirka ka xanuusanaya ee “Somaliland Mental Health Support Organization”   ayaa kulan lagu xusayo todobaadka dadka dhimirka ka xanuusanaya ku qabtay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka somaliland, agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargeysa, agaasimaha waaxda dhimirka ee wasaarada caafimaadka, masuuliyiin ka socday ururka SMHSO, dhakhaatiir ka hawl gala cusbitaalka iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa kulanka ka hadlay gudoomiyaha ururka Xaashi Cabdilaahi Xasan kaas oo ka waramay xaalada uu marayo xanuunka dhimirka waxaanu yidhi “marka laga hadlayo xanuunka dhimirka somaliladn waxa uu marayaa xaalada aad moodo inaan wali la aqoonsan oo loo arkayo in la faquuqo dadka la nool xanuunka dhimirka, xanuunkuna aad ayuu ugu badan yahay somaliland xadi badana wuu ku sii faafayaa, wax kasta oo kordhin karana waynu isticmaalaynaa oo ay balwaduhu ka mid yihiin oo shaqo la,aanntii ka mid tahay oo duruufihii dhaqaaluhu ka mid yihiin, haddii aan la xakamayna waxa uu gaadhi doonaa meel  uu dhamaanteen ina saameeyo.”

Agaasimaha qaybta dhimirka ee   cusbitaalka guud ee Hargeysa Mustafe Xuseen Xirsi oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay inaan si dhab ah loo ogayn tirada dadka uu haleelay xanuunka dhimirku waxaanu yidhi “Marka ay dadku leeyihiin waxa jira dad waalan runtii dadku afka ayuunbay ka sheegayaan laakiin lama oga dhibaatada jirta, ilaa hada ka jirto wax xadidan oo lagu sheegi karo, dariiq walbana dad waalan ayaa jooga, waxaana laga yaabaa in labadii guri ama sadexdii guriba inay ku xidhan yihiin laba qof, sanadkii 2002-dii ayaa qolo jarmal ahi waxay samaysay xog ururin waanan kula jirnay waxaanu samaynay  inaanu 600 guri ayaanu ku samaynay, waxaana noo soo baxay in 2.4% dadku ay bukaan.”

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka somaliland oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay daryeel loo fidiyo dadka xanuunka dhimirka qaba waxaanu yidhi “shaki kuma jiro inay jiraan dad badanoo dayacan dedaalkuna halkiisa ayuu ku jiraa, wasaaraduna wixii tamarteeda ah way ku samaysaa, sanadkana miisaaniyada waxaanu ku darnay lix cusbitaal oo xanuunka dhimirka ah, waxaana imika socda qorshihii horu marinta caafimaadka ee shanta sano ee soo socda  cidii wax ku daraysa qaybta dhimirkana waa loo baahan yahay.”

Sidoo Kale waxa munaasibadan ka hadlay xubno ka tirsan ururka SMHSO , agaasimaha guud ee cusbitaalka Hargeysa iyo dhakhaatiir ku takhasusay xanuunada dhimirka kuwaas oo dhamaantood iska daba maray muhiimada ay leedahay in daryeel loo fidiyo dadka uu haleelay xanuunka dhimirku.