War Deg Deg Ah:-Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Somalilabd Iyo Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Goor Dhawayd Shil Gaadhi Duleedka Hargaysa.

Shilkan gaadhi ayaa sida naloo sheegay ka dhacay deegaanka Biyo Shiinaha oo ay ka socdaan mashruucyo horumarineed isla markaana dhanka waqooyi kaga beegan magaalada hargeysa.

Waxaana shilkan gaadhi dhaawacyo kasoo gaadheen wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf Siyaasi Maxamed Axmed Tiinbaro oo isagu ah masuul ka tirsan xisbiga KULMIYE.

Masuuliyiintan shil gaadhi galay ayaa naloo sheegay inay kamid ahaayeen wafti uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” oo kormeero kusoo marayay goobaha ay ka socdaan mashruucyada biyo balaadhinta caasimada hargeysa.

Waxaana dhaawaca masuuliyiinta sida naloo sheegay loosoo qaaday cusbitaalka magaalada hargeysa oo Lagu Daaweynayo.

Warkaa soo Faahfaahsan Mardhaw Kala Soco Gabiley.Net