Wararkii Ugu Danbeeyay Tartanka Adag Ee Loogu Jiro Jagada Madaxweyne Xigeen Ee Xisbiga WADDANI ,Codadka Ay Kala Haystaan iyo Wakhtiga ……

Hargaysa (GNN)-Labada musharax ee u tartamaya kursiga madaxweyne ku xigeenka xisbiga waddani Mujaahid Axmed Mu’min Seed Iyo Dr,Maxamed Cali Cabdi ayaa loolankooda shalay iyo maanta si weyn looga dareemayay Shirkii koowaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI uga socda Hotel Maansoor Hargeysa, Waxaana si weyn loo saadaalinayaa inuu Labadaasi nin uu dhex maro Tartan culus oo ku aadan Hanashada Kursiga Ku Xigeenka Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Wararkii ugu dambeeyay ee kala xodxodashada ergooyinka golaha dhexe ee xisbiga Wadani ayaa meeshii ugu saraysya xaraaradiisu maraysaa waxa aanan u kuu guurgalnay taageerada labadani musharax ee Reer Awdal ee ku hirdamaya doorashada Kursiga Madaxwayne Ku Xigeenka Ee Wadani oo kala Ah Mujaahid Axmed Mu’in Seed Iyo Amb,Maxamad Cali Aw Cabdi, Nus danbeedyada labadani Masuul ololaha ugu jira iyo taageerada ay ka heleen wufuuda xisbiga Wadani ayaa dibada durbaba usoo baxday.

Qiyaas lagu miisaamay taageerada musharaxkasta uu haysto ayaa maanta laga dhex dheehan karaa xisbiga Wadani gudihiisa.Hadaba mar aan xogo hoose ka raadinay masuuliyiinta iyo shaqsiyaad tiro badan oo codayn doona kalana dooran doona labadani musharax ayaa muujinaysa in labadani masuul midwalba haysto taageero ku u dhawaynaysa guul uu ka keeno doorashada lagu kala saarayo ee loo balan sanyahay maalinta Sabtida.

Balse waxaa muuqata in Musharax Mujaahid Axmad Muumin Seed uu hada haysto taageerada In Ka Badan 268 ergo oo codkooga isaga siinaya halka Maxamad Cali Aw Cabdi uu haysto tiro ku dhaw 200 oo cod sidaasi waxaa noo xaqiijiyay taageerayaasha iyo gacanyaraasha labada Musharax,waxaana la sheegayaa in Axmad Muumin Seed taageero balaadhan ka helay ergooyinka qurbajoogta xisbiga Wadani oo sheegay in Axmad Muumin Seed Yahay shaqsi usoo halgamay Xisbiga Wadani marnabana aysan ka baydhi karin ergooyinkaasi oo meel sare gaadhsiiyay hamiga guusha ee Seed.

Taageerayaasha Amp Maxamad Cali ayaa iyagu ku adkaysanaya inay maalmaha soo socda inta aan la gaadhin maalinta Sabtida rajo weyn ka qabaan in dadaal dheer samaynayaan si ay u soo gaadhaan tiradaas la dheer yahay.

Dhanka kale qaar ka mida ragga u ololaynaya Mujaahid Axmad Muumin Seed ayaa sheegaya in shaqsiyaadka balanqaaday inay u codeeyaan ay boqolkiiba boqol ku kalsoon yihiin marka natiijada la duljoogsado,markaasi waxay sheegayaan in Maxamad Cali kaga awood badan yihiin xisbiga balse xaqiiqda dhabta ah uu ilaahay ogyahay natiijaduna tahay tan runta ah guushana u siman yihiin iyaga iyo Amb Maxamad Cali.

Dhinaca kale,Warar hoose oo booramaonline.Com helayso ayaa tibaaxaya inay Jiraan dhaq dhaqaaqyo ka dhex socda Xisbiga gudahiisa,kuwaasi ku aadan in labadan Musharax la sii kala reebo ka hor intaanay Gaadhin Maalinta Sabtida ah ee fooda inagu soo haysa oo ay dhacayso Codaynta lagu kala saaro labadani Musharax,Waxaana la sheegay inay Hawsha ugu culus wadaan Rag door ah oo aad uga taxadirsan oo ka baqe qaba in laga faa’iidaysto Tartanka labadan Masuul oo Xisbiga ay u soo jiido Xag xagasho loogu soo gabanayo loolanka labadan Musharax dhex maraya.