Warbixin Daboolka Ka Qaaday Go”aanka Maamulka Shirkada Telesom Ugu Diideen In Dumarku Ka Mid Noqdaan Shaqaalaha Xarumaha Ama Xafiisyada Shirkada Iyo Halka Ay Salka Ku Hayaan.

Hargeisa(GNN):-Tan iyo markii Shirkada Telesom laga qaaday Xayiraadii Caalamiga ahayd ee Wadamada Dunida ugu muruqa wayni ay hore u saareen Shirkada Telssom waxaa isa soo taraya Tacadiyo badan oo ka dhan ah Xuquuqda Bani Aadamka iyo Muwaadiniinta oo Maamulka Shirkada Telesom kula kaco Dumarka S/land iyadoo si wayn loogu Eedaynayo in Shaqaalaha Xarumaha iyo Xafiisyada Shirkada Telesom aanad ku arkaynin Gabadh kaliya oo ka mida Shaqaalaha Aqoonta ku shaqeeya ee ka hawl gala Xarumaha iyo Xafiisyada Shirkada Telesom ee Dagmooyinka iyo Gobolada S/land iyadoo Shirkada Telesom u qaadata Dumarka S/land Shaqaalaha Nadaafada oo kaliya oo aad uga Mushahar hooseeya Shaqaalaha Sare ee ka Shaqeeya Xarumaha iyo Xafiisyada Shirkada Telesom .
Wariye ka tirsan Shabakada Wararka ee Gabiley Net oo booqday Xarumaha iyo Xafiisyada Shirkada Telesom ku leedahay Magaalooyinka Dalka ayaa noo Xaqiijiyay in aan Indhihiisu qaban Gabadh kaliya oo ka shaqaynaysa Xafiisyada Shirkada Telesom ee Adeegyada kala duwan Bulshada u qabta mar uu waydiiyay Shaqaalaha ka hawl gala Xarumaha iyo Xafiisyada Telesom waxayna u sheegeen in Maamulka Shirkada Kaliya Aya Su’aalahaasi uga Jawaabi Karaan, Islamarkaana aaney iyagu awood u Lahayn Arimahaasi, Shuruucda Shirkaduna Aaney u Baneynay Inuu Bixiyo Xogo Ku Saabsan Shirkada.
Tacadigan ka dhanka ah Xuquuqda Bani Aadamka ee Maamulka Shirkada Telesom kula kacayo Dumarka iyo Gabdhaha ayaa salka ku haya Dhaqano Xun oo Wadamada Carabta caado u ah iyadoo Dumarku markay soo dhashaan lagu Xukumo Xabsi guri loona ogolaanin in Dumarku ka qayb qaataan Horumarka Dalka iyo Dadka iyadoo gabi ahaanba Xoriyada dhaqdhaqaaqa iyo Dookha laga qaadayo .
Iyadoo Dalka S/land ay ka jiraan Ururo badan oo u dooda Xuquuqda Dumarka sida Ururka Nagaad iyo Dalada Haweenka Qaranka ee Now iyo Ururo kale oo Taageero Dhaqaale ka hela Hayadaha Caalamiga ah waxaa wax lala yaabo ah in aanay wali Indhahoogu qaban Tacadiga Maamulka Shirkada Telesom kula kaco Dumarka uguna diideen Dumarka Shaqooyinkii ay xaqa u lahaayeen iyadoo Maamulka Shirkadu ka hor joogsadeen in Gabdhaha iyo Dumarka faraha badan ee Aqoonta bartay in ay ka mid noqdaan Shaqaalaha Sare ee Shirkada Telesom .
Dhanka kale Go”aanka Maamulka Shirkada Telesom ugu diideen in ay Dumarku ka mid noqdaan Shaqaalaha Aqoonta ku shaqeeya ee ka hawl gala Shirkada Telesom ayaa ah mid saamayn balaadhan ku yeelanaysa Waxbarashada iyo Aqoonta Dumarka oo Siyaasada Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Xukuumadihii S/land ee ka horeeyayba ay Dadaal dheeraada u galeen sidii Aqoonta Dumarka Sare loogu qaadi lahaa iyagoo Kaashanaya Hayadaha Caalamiga ah ee Dhaqaalaha Faraha Badan ku bixiya in Aqoonta Dumarka Sare loo qaado .
Mar kale waxaa lagu eedeeyaa Shirkada Telesom in ayna Aqoonsanayn Lacagta Qaranka ee Shilinka S/land iyadoo Eedaa Culus marag cad looga dhigayo in Zaadka Shilinka S/land hadii Hall Millyan Shilin oo Zaadka Shilinka S/land ahi kuugu jiraan Tilifoonka Gacanta aanad ku shuban Karin 1 Doolar oo Lacagta ku hadalka ah oo u dhiganta 8000 oo Shilinka S/land ah.
Iyadoo Shirkada Telesom tahay Shirkada ugu Macaacmiisha badan ee Bulshada S/land isticmaalaan Adeegyada Isgaadhsiinta ee ay bixiso waxaa Sannadkii Shirkada Telesom ka soo gala Macaash Malaayiin Doolar kor u dhaafay iyadoo Macaash dhan Boqolkiiba Lixdan uu leeyahay Ganacsade Sh Cali Jimcaale oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya waxaase iswaydiin mudan Waa maxay Sabobta Maamulka Shirkada Telesom Dumarka uga diideen in ay ka imd noqdaan Shaqaalaha Aqoonta ku shaqeeya ee ka hawl gala Shirkada Telesom ? Shirkada Telesom maxay ku soo kordhisay Dhaqaalaha Dalka S/land? Maxayse ku soo celisaa Bulshada S/land ee Intooda badani doorateen in ay isticmaalaan Adeega Isgaadhsiinta Shirkada Telssom ? Ma bixisaa Cashhuraadka ku waajibay ? Ma ogoshahay in ay Xukuumada S/land si cad ula Xisaabtanto oo laga qaado Cashuurta ku waajibtay ? Imisa Wasiir ayaa Xilalkoodii ku waayay soo hadal qaadka Cashuurta ku baaqata Shirkada Telesom ? Imisa Sanno oo danbe ayay Shirkada Telesom Dalka kaga sii shaqaynasaa Xisaab la”aan ? Shirkada Telesom ma Aqoosantahay Lacagta Dalka ee Shilinka S/land ? Haday Aqoonsantahay Shirkada Telesom Lacagta Shilinka S/land ma ku shuban kartaa Tilifankaaga 0.25 ku hadal ah oo u dhiganta 2000 Shilin hadii ay iigu jiraan Tilifankaaga 1000,000 oo Zaadka Shilinka S/land ah? Muwaadin maxaad ku Macnayn lahayd hab dhaqanka Shirkada Telesom ee ku jihaysan Lacagta Shilinka S/land ?
Ugu danbayn waxaan Su”aalahaa Jawaabahooda u dhaafayaa Akhristayaasha Qormadan Aragtidaaduna waa muhiim adigoo Sabobaynaya .
La Soco Qaybo Kale Oo Tooshka Ku Qaban Doono Tacadiyo Kale Oo Maamulka Shirkada Telesom Kula Kaco Bulshada S/land .

Gabiley News Network (Gabiley.Net)
Main Office
contactgabiley