“Somaliland kama Hawl-gasho Hay’ad Ruqsad ka Haysata Soomaaliya…” Wasiir Kaysar Cabdillaahi Maxamed

HARGEYSA-Somaliland- Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Kaysar Cabdillaahi Maxamed ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadallo dhawaan ka soo yeedhay kooxda sharci darrada ah ee la magac baxday madasha wada tashiga , kuwaasi oo hay’addaha ka hawl gala Somaliland ku tilmaamay in ay ruqsada shaqo ka sitaan dawladda Soomaaliya.

Kaysar Cabdillaahi ayaa shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay in aanay dalka ka hawl gelin hay’ad ruqsad ka sidata dawladda Muqdisho, isaga oo arrinta ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawladda Soomaaliya annaga nama khusayso, dalkana kama taliso oo ruqsadeedu kama shaqayso, shuruucdeeduna kama jirto, Hay’ad kasta oo dalkan ka diwaan gashan oo ka shaqaysaana, waxa ay haysataan ruqsadda jamhuuriyadda Somaliland, Markaa waxa ay ku shaqaysaa shuruucda iyo nidaamka u degsan dalka , markaa haba yarateen ma jirto hay’ad dalka kaga shaqaysa oo ruqsad meel kale ka ka soo qaadatay, hay’ad walbana waxa ay buuxisaa shuruudaha iyo nidaamka dalka u degsan, waxa ay ku diwaan gashan yihiin ruqsadda ay Jamhuuriyadda Somaliland bixiso, Wax kasta nidaam kasta ama shirkad kasta ama haayad kasta oo kala duwan waxa khasab ku ah inay isku diwaan gelinso nidaamka dalka u dejisan.”

Wasiir ku xigeenku waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Ruqsad Soomaaliya soo bixiso oo halkan laga hawl gala ma jirto, nidaanka Soomaaliyana halkan kama shaqeeyo ,Waxa weeye nidaamka dhisan ee shuruucda leh ee Baarlamaanku ansixiyey, nidaamka iyo qawaaniinta dawladnimo ee dhamayska tiran ayaanu ku wada shaqaynaa (Hay’addaha) iyo cid kasta ba.”

Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda qorshaynta qaranku waxa uu ka hadlay muhiimada ay leedahay in Wasaaraddaha dalku ay nidaam cadaalad ah kusoo xushaan fursadaha shaqo ee ka banaan isaga oo talo wax ku ool ah usoo jeediyey hay’adda shaqaalaha dawladda, waxaanu “Waxaa muhiim ah in Wasaarad kasta ama hay’ad kasta oo dawladeed oo qaadanaysa shaqaale in ay u gudbiso hay’adda shaqaalaha dawladda, wixii fursado ah ee ay hayso, tusaale ahaan Wasaaradda Qorshaynta Qaranka haddii aanu labaatan shaqo soo baxaan in aanu laabatan qof u gudbino hayadda shaqaalaha oo aanu nidhaahno noo shaqaalaysiiya, waxa weeye in aanu nidhaahno laabatan fursadood ayaa banaan ee Xayeysiiya oo imtixaan kaga qaada ciddii u soo baxda, markaa noo soo dirra islamarkaana imtixaanka laftiisu waa in uu noqdaa mid lagu kalsoon yahay oo hayadda shaqaaluhu hubisaa oo dhistaa kalsoonidda muwaadiniinta.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray “ Nidaamka runtii lagu dayan karo ee aanu jeclahay waxa weeye nidaamka ay Dr Adna ku shaqaalaysiiso shaqalaheeda, nidaamkaas oo ah marka ay imitixaanka loo fadhiisanaayo waxa ay dalabtaa Jaamacaddaha Hargeysa ka baxsan, sida Jaamacadda Camuud iyo Burco in ay Masuliyiinteedu soo diraan oo imtixaan ka qaadan, taaso oo runtii kalsooni ku abuuraysa qofkii in haddii uu shaqadii helo uu ku kalsoon yahay in uu aqontiisi ku soo baxay, haddii uu waayana uu ku kalsoon yahay in muwaadin ka aqoon badan uu shaqadaa helay.”