Wax Badan Ka Baro Musuqmaasuqa Wasiirka Hawlaha Guud (Cali Mareexaan) + Dilaalka U Qaabilsan Warbaahinta Oo Uu Dhawaan Magacaabay Wasiirku

Gabiley(GNN) Dhaqamada Ugubka Ku Ah SomaliLand Ee Ay Xukuumada Kulmiye Kusoo Kordhisay Saaxada
Tan Iyo Intii ay Xukuumada Kulmiye Qabsatay ayaa Waxa Soo If Baxa Arimo Badan Oo Ugu Ku Ah dhamaanba Gayga somaliland Kuwaasi Oo Ay Falaan Qaarkamid ah Masuuliyiinta Xukuumada Kulmiye
Waxana Aynu Caawa Diirada Kusaaraynaa Mid Kamid ah Dhaqamada Ugubka ku ah Dalka Ee ay Sanadahan Danbe Kusoo Kordhiyen Wasiiraro Kamid ah Xukuumada Kulmiye
Aynu Soo Qaadano Midkamid ah Wasiirada Xukuumada Waa Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)
Wasiir Cali Mareexaan Waxa Uu Wakhtigani Kamid Yahay Wasiirada Shidhka Ugu Jira Tareenka Xukuumada Kulmiye Waxanu Xilkan Wasiirnimo Hayaa Mudo Sanad ah

isagoo Dhexda U Xidhay Mudadaasi Sanadka ah Inuu Soo Gaadho Xubnaha Lagu Naanayso Kuwa Haya Hogaanka Siyaasadeed Ee Xukuumada Axmed Siilanyo Loo Daba Fadhiisto
Wasiir Cali Mareexaan ayaa Waxqabadkiisa Ugu Wayni Noqday Islamarkaasina Uu Guclo Orod U Galay Siduu Uu Soo iibsan Lahaa Camarad Uu isku Soo Sawiro Kolba Goobo Kamid Ah Wadooyinkii Uu Dhisay Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan
Waxanu Camara Maan Ka Dhigtay Wiilyar Oo Uu Wax U Yahay Islamarkaasina Aan Haba Yaraate Waxba Ka Garanaynin hawlaha Warbaahined Balse Ujeedka Ugu Wayn Ee Wasir Cali Mareexaan Ay Tahay In Uu Ku Naas Nuujiyo Wiilkayar Oo Lagu Magacaabo Cabdiraxmaan C/laahi sh Daahir
islamarkaasina Uu Kasoo Kaxaystay Wiilkani Tukaan Uu Hayay
Wasiir Cali Mareexaan ayaa Waxqabadkiisa Ugu Wayni Noqday Sidii Uu Subax Kasta Uu isku Soo Sawiri Lahaa Wadooyinkii Uu Dhisay Ex Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan
Waxanu Meesha Ka Saaray Wasiir Cali Mareexaan Shaqadii Iyo hawlihii Ay Saxaafadu U Haysay Umada isagoo
heshiis Biil Ah La Galay Warbaahinta Qaarked Islamarkaasina Ka Codsaday Inay U Baahiyan Sawirada Laga Soo Qaado islamarkaasina Bulshada Indhohooda Loo Tusiyo Dhagahoodana Loo Maqashiiyo Qawda Maqashii Waxbana Ha U Qaban
Haddaba, bulshadda Somaliland ayaa si weyn u hadal haysaa waxqabad la’aan Wasiirka hawlaha guud Cali mareexaan kaasoo ku fashilmay dhameystirka iyo dayac tir uu ku sameeyo Waddooyinka dalka, waxanu Gudashadda shaqadiisa kaga mashquulay Sidii Iskugu Sawiri Lahaa Wixii Hortii Qabsoomay ka qaybgalka shirar beeleedyo Isaggoo dhaqaalihii dalka lagu dhisaayey u adeegsaday dano Siyaasadeed Iyo naas Nuujinta Wiil Yar Oo Uuka Dhigtay Camara Maan
Geest kale, wasiir Cali Mareexan ayaa ku fashilmay inuu wadooyinkii dhisnaa ee wasiirkii hore dhisay ku ilaaliyo dayac tir, kuwo uu dhiso iska daayo. Madaxweynah Somaliland Axmed Siilaanyo ayey la gudboon tahay inuu Hayadda wadooyinka dib ugu soo celiyo madaxtooyadda ama ka dhigo wasaarad madaxbanaan, isagoo xilkeeddana u dhiibaya qof u shaqeeya oo aan ka shaqeysan, isla markaana u hayaa jaanis caafimaad qaba. La soco warbixino kashifaaya musuq-maasuqa Wasiir Cali mareexaan.Iyo Wiilkan Uu Camarada Usoo Dhiibay

Gabiley.net
Office Gabiley