Wefti Uu Hogaminayo Gudomiyaha Waxbarashadda Ee Gobalka Gabiley Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Degmada Allaybaday

Gabiley (GNN) wefti sare oo ka socda masuuliyiinta waxbarashadda ee gobalka gabiley ayaa safar

shaqo ku tagay qaar ka mid ah iskuulo hoos yimaada degmada allaybaday.wafti

Weftigaa oo ka koobnaa gudomiyaha waxbarashada gobalka Mudane Cabdisamad Sheikh Cumar

Qabil, Gudomiye xigeenka Mudane Maxamed Aden Daud iyo kormeere Shabcaan Cali Ducaale

wafti-80x106

wuxuu safarkoodu ku qotamay u kuur galidda waxbarashadda deganada allaybaday oo

mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka imanaysay cabashooyin badani. .

Maamul heer gobal ee wasaradda waxbarashada gabiley ayaa safarkoodu u qaatay mudo labo

maalmood ah intay safarka shaqo ku jireen waxay la kulmeen mamulka heer degmo,

maamulayasha iskuulada,macalimiinta,walidiinta,ardayda iyo daneeyaasha waxbarashada ee

deeganada allaybaday .

Waxayna safarkooda ku soo mareen qaar ka mid ah iskuulada dawliga ah sida iskuulka sare

allaybaday mujahid ahmed golhaye, iskuul hoose dhexe ee sh ahmed qaalib,iskuulka waalid

xoor,iskuulka diini goobaale, iyo iskuulka harta geele waxayna dhamaantooda ay la kulmeen

mausliyiintii goobahaa joogay.

Ugu horayn waxay safarkooda ay ka bilaabeen iskuulka ku yaala tuulada waalid xoor oo ay ka

muuqatay dayacnaan dhanka dhismaha ah oo laba fasal oo ka mid ah iskuulkaasi ayna lahayn

wax jiingad ah oo ardayda ka celiya milicda iyo roobka, waxayna masuuliyiintii goobtaa

maraysay ay hoosta ka xariiqdeen baahidii halkaa taalay si ay ugu gudbiyaan wasaarada

waxbarashada, waxayna halkaa ay uga sii gudbeen xarunta dagmada allaybaday laga maamulo

oo iyana ay shir kula qaateen gudomiyaha degmada allaybaday Dr Cabdi Aw Daud Irir oo ay ka

wada hadleen baahiya waxbarashado ee yaala degmada allaybaday iyo sidii wax looga qaban

lahaa wixii cabasho ah ah ee ka jira iskuulada deeganka kulankaas oo qaatay muddo dhawr

saacadood ah ayaa waxaa gabogabadii la isla gartay sidii loo dardar galin oo loo tayayn lahaa

waxbarashada.

Dhanka kale masuliyinta wabarashadda ee heer gobal waxay sidoo kale ay kulan la qaateen

ardayda dhigata dugsiga sare ee mujahid ahmed golhaye oo ay iska xog warayteen sida ay u

socoto waxbarashada dugsi sare waxayna ardaydii goobta timid ay suaalo u badan baahiya yaala

iskuulka sare u gudbiyeen masuuliyintii ay la kulmeen si wax looga qabto waxayna

masuliyiintasi ay balan qaadeen in ay wax ka qaban doonaan codsigooda intii karaan kooda ah.

Masuliyintan intii ay safarkooda ku jireen ayaa kulamo gaar gaar ah la yeesheen

mamulayaasha,macalimiint iyo walidiin deeganadii ay marayeen waxay ka dhagaysteen baahiya

gaarka ah ee ka jira dugsiyada waxbarasho.

Gudomiye waxbarashada ee gobalka gabiley cabdisamad sheikh cumar gudomiye xigeenka

maxamed aden daud ayaa intii ay safarka ku marayeen iskuulada degmada allaybaday waxayna

fasal fasal u galeen iskuuladii ay kormeereen waxayna ardaydii u jeediyeen hadalo dhaxal gal ah

oo qiimo wayn u leh mustaqbalkooda danbe.

Gabo gabadii safarkan oo ka mid ahaa safariidii caadiga ahaa ee horeba ay u samayn jireen

masuliyinta waxbarashada ee gobalka gabiley ayaa kusoo idlaaday mid midho dhal