Xaalada Amaan Ee Caasimadda Hargeysa Iyo Magaalooyin Kale Oo Aad Loo Adkeeyey Iyo Ciidamo Hawl Galo Ka Wada Gudaha Magaalooyinkaasi

Ciidamada booliska Somaliland ayaa habeenimadii xalay ahaa iyo saakaba  hawl galo amaanka lagu adkaynayo ka sameeyey gudaha magaalada hargeysa.

Waxaana ciidamadani oo koox koox u socday lagu daadiyay jidadka waa wayn ee magaalada hargeysa iyaga oo sidoo kalena gaaf wareegayay banaanada caasimada hargeysa isla markaana si aada u baadhaya gadiidka.

Hawl galadan ay ciidamadu sameeyeen ayaa ah mid iska caadiya oo lagu adkaynayo amaanka caasimada,sidoo kalena waxa jira gaadiid ay qab qabteen ciidamadu oo qaarkood laga shakiyay qaarna waxyaalo kale lagu qabtay.

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Burco Berbera iyo laascaanood ayaa waxay sheegayaan in ciidamadu ay xalay hawl galo noocan oo kale ah ay ka samayeen

Log1