Xidhidhiidhka Kubada Cagta Iyo Maamulka Ciyaarahan socoda Ayaa Soosaaray Nuqulo Kala Duwan Oo Kala ah Ganaaxyo Lacageed Iyo Digniino Kama Danbaysa, Halkan ka Akhri Nuquladan Oo u Dhignaa Sidan.

Hargeisa(GNN):-Xidhidhiidhka Kubada Cagta Iyo Maamulka Ciyaarahan socoda Ayaa Soosaaray Nuqulo Kala Duwan Oo Kala ah Ganaaxyo Lacageed Iyo Digniino Kama Danbaysa, Halkan ka Akhri Nuquladan Oo u Dhignaa Sidan.
Ku: Xulka Kubada Cagta Gobolka Saaxil
Ujeedo- Ganaax Lacageed Iyo Digniin
Guddida dacwadaha iyo anshaxa ee xidhiidhka kubbadda Cagta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saaray ganaax iyo digniin ay ujeediyeen afar ka mid ah kooxaha sideeda ah ee ka qayb galaya tartankani.
Qoraal lagu socodsiiyay kooxaha kubadda cagta ee Xaysimo, Awdal iyo Hawd ayaa lagu yidhi.
“Guddida dacwadaha iyo anshaxu waxa ay halkan ku cadeynayaaa in digniino kama dambays ahi kubadda cagta gobolka Hawd, ka dib markii ay ku xad-gudbeen qodobo ka mid ah sharciga idaamka tartanka.
Qodobadda ay ganaaxa ku mutaysteen waa kuwan hoos ku qoran
1. Ka dib markii tababarha xulka kubadda cagta gobolka Xaysimo Mr. Maxamed Faandhe Ducaale uu muujiyay hadal iyo fara taag-taag lidi ku ahaa go’aamadii , kulankii furitaanka ee gobolada Xaysimo iyo Saaxil dhex-dhexaadinayay sidoo kalena uu u muuqday mid kicinayay dareenka ciyaartoydiisa.
2. Ka dib markii tababaraha xulka cagta gobolka Awdal Xasan Maxamed Colhaye uu garoonka dhex galay, una tegay goolhayihiisii oo dhaawacmay taas oo aanay waafaqsanayn nidaamka sharciga.
3. Ka dib markii macalimiinta xulka kubadda cagta gobolka Hawd kulankoodii koowaad ay ku guuldaraysteen in ciyaartoyda loo ogol yahay ee keydka, intii loogu talo galay ay garoonka soo galaan.
Go’aanka Guddida
Guddida dacwadaha iyo anshaxa waxay go’aan in labada tababare ee xulalka kubadda cagta ee gobolada Xaysimo iyo Awdal iyo xulka kubadda cagta ee gobolka Hawd ay ku rideen digniin kama dambays ah oo kala sidan.
1. Tababaraha xulka kubadda cagta Xaysimo Mr. Faandhe waxa la siinayaa digniin kama dambays ah oo haddii uu mar dambe uu ku kaco talaabooyinkii uu hore u sameeyey inuu ku dhici doono ganaax culus.
2. Tababaraha xulka kubadda cagta gobolka Awdal Mr. Colhaye waxa la siinayaa digniin kama dambays ah oo haddii uu mar dambe ay soo noqdaan talaabada kor ku xusan ee uu sameeyay ay iman doonto ganaax culus.
3. Xulka kubadda cagta gobolka Hawd waxa iyagana la siinayaa digniin kama dambays ah oo haddii ay mar dambe macalimiintoodu ay ku kacaan talaabadda kor ku xusan waxay mudan doonaan ganaax culus.
Guddida dacwadaha iyo anshaxa
Fu’aad Axmed Cali GUdoomiye
Cismaan Madar Samatar Shiine Gudoomiye ku xigeen
Cali C/laahi Xuseen Xoghaye
Maxamed-Amiin Cabdi Cilmi
Gudoomiyaha xidhiidhka kubadda Cagta JSL

Dhanka Kale Xidhiidhka kubada cagta Somaliland oo soo saaray digniin iyo ganaax lacageed oo la xidhiidha ciyaartoyga ku tartamaya kubada cagta ee gobolada dalka
Ku: Xulalka Kubbada Cagta Xaysimo, Awdal, iyo Hawd.
Ujeedo: digniin kama dambays ah
Guddida dacwadaha iyo anshaxa wasardada ciyaaraha oo cadeeyey digniin iyo ganaaxyo lacagaeed ku rideen xulalka kubadda caga gobalada saaxil kadib markii ay ku xad gudbeen qodoboka midah sharciga iyo nidaamka tartanka.
Gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta iyo xoghayaha guud ee wasaarada ciyaaraha ayaa soo saaray qodobada ay ganaax ku muteen kooxo ka mida ah kooxaha ku tartamaya ciyaaraha gobolada Somaliland ee ka socda garoonka kubada cadgta Hargeysa stadium.
Waa kuwan qodobada hoos ku qoran:
1 Ka dib markii ay dib uga dhaceen wakhtii loogu talo-galay in ay garoonka joogaan maalintii ciyaarta furitaanka ee tartanka.
2 xubno taageerayaal ah ayaa goobta badal sugayaasha fadhiiteen kadib markii goolasha gobolkodu dhaliyeen ay sameeyeen dabaal dag anshaxa ka baxsan oo iyaga ka mabnuuc ah
3 kadib markii ciyaartoga numberka 10 –aad sitaa uu garoonka la soo galay dirays ka duwan ciyaartoyga gobolkiisa, maadama uu sharabaado cadaana ah kaligii uu xidhnaa halka ciyaatoga kale xidhnaayeen sharabaado casaan ah.
Go’aanka ganaaxa guddida:
Guddida dacwadaha iyo Anshaxa waxay go’aan sadeen in xulka kubada cagta gobolka saaxil ay ku ganaaxeen laba ganaax ookla ah:
1 ganaax lacageed oo dhan 1,500,000 shiling ( milyan iyo shan boqol oo kun) oo lagu bixinayo muddo 24 saacadood gudohood ah.
2 digniin kama danbeys ah oo hadii mardanbe soo noqdaan talaabooyinkaa kor ku xusani uu iman doono ganaax culus.
Guddida dacwadaha iyo Anshaxa:
Fu’aad Axmed cali- ( guddoomiye)
Cismaan madar samater ( shine) _ gudoomiye xigeen
Cali cabdilaahi xuseen (fagaase)_ xoghaye
War mutiyeedka waxa ku sexeexan
Gudomiyaha xidhidhka kubada cagta Somaliland
Maxamed Amiin cabdi cilmi