Ciyaar Aad U Degan oo Dhexmartay Gobolada Daad-Madheedh Iyo Gobolka Sool oo Ku Dhammatay 1-0

Hargeisa(GNN):-Labadan kooxood ee Maanta Kulmay ama wada ciyaaray ayaa kala ahaa Labada Gobol ee Daadmadheedh iyo Gobolka Sool Ciyaartan Oo Ku Bilaabantay Jawi Dagan Ayaa Labada Kooxoodba Soo bandhigeen Ciyaar Wanaag aad U Degan Taas Oo aa Mooday In Wakhtigii Hore oo Dhan Ciyaarta Aad Mooday In Labada Kooxood Isu awood Yihiin islamarkaana Uu jiray ismariwaa keenay in nusasaacii hore aan wax goolal ah la kala dhalin,
Xulka Gobolka Sool Ayaa Lagu Xasuustaa In Kooxdaasi Tartamadii Hore Saddexdii Sano Ee U Danbeeyey la Siiyey Bilad Lagu Siiyey Ciyaar Wanaag iyo Akhlaaqiyaadka Ciyaarta.
Sidoo Kale Xulka Gobolka daad-madheedh ayaad laftiisa Mooday inuu soo bandhigay ciyaar aad u heersareysa,
haafkii danbe ee ciyaar walib daqiiqadahii u danbeeyey waxaa gool aad u qurux badan dhaliyey kuna hubsaday shaqaba xulka gobolka sool weeraryahanada gobolka daadmadheedh,waxaana ciyaarta oo daqiiqado yari uun ka hadhsanayeen halkaa guushu ku raacday xulka gobolka daadmadheedh.