DAAWO SAWIRADA Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dhaawac Ka Soo Gaadhay Lugta Midig Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Booqday

Hargeysa(GNN):-Madaxweyne ku xigeenka somaliladn Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dhaawac ka soo gaadhay lugta midig ka dib markii uu ka siibtay marmarka gurigiisa.

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa gurigiisa ku booqday madaxweyne ku xigeenka, kaas oo ka waraystay xaaladiisa caafimaad iyo dhaawaca soo gaadhay.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah golahiisa wasiirada iyo masuuliyiin kale ayaa booqashada uu madaxweyne ku xigeenka ugu tagay waxay la xidhiidhay sidii uu u ogaan lahaa dhaawaca soo gaadhay ku xigeenkiisa.

Madaxweyne ku xigeenka oo xaaladiisa caafimaad uga war bixiyey madaxweynaha ayaa sheegay in markii uu nabarku soo gaadhay aanu wax dhib ah dareemin balse aanu haatan kici Karin ilaa la taageero mooyaane, waxaanu tilmaamay inay u yimaadeen dhakhaatiir door ahi kuwaas oo ku hawlan sidii ay u ogaan lahaayeen heerka uu dhaawaciisu gaadhsiisan yahay.

Madaxweyne ku xigeenka oo xaaladiisa caafimaad aad u wacan tahay marka laga yimaado dhaawaca ka soo gaadhay midigta ayuu madaxweynuhu ugu duceeyey in Alle u fudaydiyo nabarkaa soo gaadhay, ugana dhigo mid sahlan oon dhib lahayn.