DAAWO SAWIRADA:Kulan balaadhan oo lagu soo dhawaynayay Musharaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Waddani iyo Xoghayaha Warfaafinta oo lagu qabtay Magaalada Birmingham

Xaflad Balaadhan oo lagu soo dhawaynayay Musharaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Waddani Amb Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Xoghayaha Warfaafinta Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan oo lagu qabtay Magaalada Birmingham ee caasimadda Labaad ee dalka Ingiriiska. Xafladaas aya waxaa kasoo qaybgalay taageerayaa aad u tiro badan oo xisbiga waddani ah oo kasoo kicitimay magaaladdaBirmingham iyo magaaloyinka ku hareeraysan.

10

img_3453img_3454Waxa kale oo kasoo qayb galay taageerayaal cusub oo ku soo biiray xisbigaas oo aad u tiro badnaa kana koobnaa bulshada qaybaheeda kala duwan.img_34521

Xaflada oo aad u balaadhnayd dad aad u fara badanina kasoo qayb galeen waxa ugu horeyn lagu booriyey in dhamaan tageerayaasha xisbigu ay gacan ka geystaan abaaraha badan ee dalka ka jira,Waxa kale oo laga hadlay xaaladda Guud ee Somaliland,Doorashada soo socota iyo sidii loo laban-laabi lahaa hawlaha xisbiga iyo tageerada xisbigaba.

Xafladan ayaa waxa ay ku soo gabagabowday Jawi aad u qurux badan.

Fadlan la soco wararkayga danbe Insha Allah Muqaal guud oo xaflada ah.

21

302928252422211917151411109874321