Deg Deg : Dhimashada Iyo Dhawaaca Ka Dhacay Shil Gaadhi oo Kamida Kuwii Soo Dhaweynayay Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani.

Hargeysa (GNN)-Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani AMB Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa waxaa ay saaka safar ugu baxey Borama ,taageerayaal ayaa musharaxa kaga hor yimid Dilla oo ku qaabilay soo dhaweyntii ugu balaadhneed ee abid loo sameey siyaasi ka soo jeeda deeganadaasi

Soo dhaweynta musharaxa ayaa waxaa ka dhashey khasaare isku jira dhimasho iyo dhawaac ka dib markii shil galay mid ka mid ah baabuurtii soo dhaweynsay inta u dhaxeysa magaalooyinka Dila iyo Borama waxaana halkaasi ku dhintay hal qof halka mid kale na uu ku dhaawacmey.