Deg-Deg Dufaacyahankii Adkaa ee xulka Gobolka Gabiley Cabdiraxman Dhaylo,aad oo ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha

Gabiley(GNN) Dufaacyahankii Adkaa ee xulka Gobolka Gabiley Dhaylo,aad ,ayaa ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha.

Ciyaartooygani Dufaaca Ka Ciyaara oo Kamid Ahaa Dufaacyadii ugu Adkaa ee Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo u saftay Xulkiisa Afartiiii Sano ee ugu Danbeeyay Tartanka Ciyaarha Gobolada Somaliland ,isagoo Goolasha u dhaliyayna u Badnaayeen Kubado Madaxa oo Ay u Saamaxaysay Dhererkiisu Madama uu Yahay Ciyaaryahan Dheer oo Dhisan islamrkana Khibrad u Leh Dhinaca Dufaaca.

14962657_10211513328977065_4941642936300301970_n

Kabtan Dhaylo,aad ayaa kulankiisii ugu danbeeyay u ciyaaray xulkiisa Gobolka Gabiley Tartanka Gobolada Somaliland 2016 Markaas oo Xulka Gobolka Awdal Wada Ciyaareen islamrkana Gabiley Lagaga Adkaaday Rigoodheyaal oo Xulka Gobolka Gabiley Lagu Soo Reebay Sami Finalka .

14632910_10211575180243308_1635959584770893934_n

Kabtan Dhaylo,aad oo Shabakada Wararka ee Gabiley.net u Waramay islamarkana ka hadlay go’aanka uu kaga fadhiistay ciyaaraha Gobolada , ayaa yidhi:-

14980721_10211589615964192_8333142515199173740_n

“ Marka Hore Ilahay Ayaa Mahad iska leh suuro galiyey inaan si nabada u ciyaarnay ciyaarihii Gobolada Marka Labaad Waxaan u Mahad Celinayaa Maayarka Dawlada Hoose Ee Gabiley Mudane M/Amiin Cumar Dheere Oo hiil Iyo hooba nala garab istaagay ,Waxaan Kaloon U Mahad Celinayaa Taageerayaashii Noo Hagar Baxay Ee safarka noo Soogalay Waan inii haynaa Abaalkaa Sidoo Kale ,Macalinka Xulka oo Nagu Le Qadarin Balaadhan Abdi Omar Awga, Waxaan Kale oo Aan Umahad Naqayaa Shaqsiyaadkii Na casuumay ,Afhayeenka Madaxtooyada, Wasiirka Warshadaha ,Waalidkayga Qaaligaa Hooyo Saado,Sheekh Aadan Siiro ,Wasiirka Boosaha ,Dhalinyaradii hore Ee reer Gabiley , Sahal Transport

 

Kabtan Dhaylo,aad oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Yidhi :-

14632910_10211575180243308_1635959584770893934_n

 

“ Waxa ay Gaadhay Wakhtigi aan fursada Baneyn lahaa sii ciyaartoyda cusub ee Soo Baxay u hogamiyaan mustaqbalka kubada Cagta ee Gobolka Gabiley,  Waxaan Kale oo aan go’aankan ku gaadhay inaan ka soo laabto ciyaaraha Gobolada, Go’aankani wuxuu ahaa mid aad u adag inaan Gaadho, markasta si aan caadi ahayn ayaan ugu han waynaa inaan matalo xulka Gabiley waxaan ku raaxaysanayay daqiiqad kasta oo ka mid ahayd intii aan xidhnaa funaanada Gobolka Gabiley waxaan rumaysanahay inuu yahay go’aan kani kii saxda ahaa ”. Sidaa Waxa Yidhi Kabtan C/raxmaan Dhaylo,aad

14962729_10211522463765429_1573199671135103720_n

 

Kabtan C/raxmaan Jamac Muuse (Dhaylo,aad)  oo ka ciyaara Dufaaca Shanta ayaa qaab ciyaareed aan caadi aheyn ku soo bandhigay booska daafaca Shanta  xili ciyaareedkani Tasi oo uu Kaga Mid Noqday Dufaacyada ugu Wanaagsan ee Jidhkoodu Dhisan Yahay Adagtahayna in Dhayal Lagu Dhaafo.

 

 

Suxufi  C/rasaaq Axmed Hayaan (ilkacase)

Gabiley.net

Gabiley Office