DAAWO Gudida Fulinta Xisbiga WADDANI Oo Xilkii iyo Xubinimadiiba Ka Qaaday Axmed Muumin Seed Iyo ……

Gudida fulinta ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo goor dhawayd warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga WADDANI ee magaalada hargeysa ayaa sheegay inay xilkii iyo xubinimadii xisbigaba ay ka qaadeen gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga Axmed Muumin Seed iyo gudoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbigaasi Faraax Maxumud Cabdule (Faarax Dheere ).

Waxaana ay gudidan ay ku sababeeyey xilka ka qaadista labadan masuul inay  Axmed Muumin Seed Iyo Faarax Dheere ay jabiyeen xeerkii xisbiga isla markaana ay ku gacan seydheen ergoooyin xisbigu u diray oo gooni gooni ugu tagay isla markaana wada hadalo wada yeesheen kuwaasi oo ku gacan saydhay qodobo ay ergadani ula tageen.

Waxaana ay gudidu sheegeen inay kulan ay yeesheen ay go’aan ku gaadheen inay xilka iyo xubinimadaba  ka qaadan labadan masuul ee Axmed Muumin Seed oo ah gudoomiye ku xigeenkii kowaad ee xisbiga iyo gudoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga kuwaasi oo ka cadhooday shirwaynihii xisbiga WADDANI qabsaday.

Log1