Inan 19 Jir Ah Oo Muddo 17 Sano Ah U Jiifta Xanuun Waddanaha Oo Biyo Fadhiisteen Daawo Fariinteeda.

Asma Maxamed Maxamuud waa inan 19 ,jir ah oo wadnaha xanuun kaga dhacay u jiiftay mudo 17 sanadood ah.dhakhaatiirta dalka ayaa u sheegay in wadnaha ay biyo fadhiyaan islamarkaana qayb ka mid ahina balaadhatay ,dhakhaatiirtu waxay kula taliyeen in qaliin dibada ah lagula tacaalo oo aan dalka qaliinkeeda waxba lagaga qaban Karin

Hooyada inantan Saado Muxumed Jaamac ayaa dhamaan umada muslimiinta ah ka codsanaysa in ay ka gargaaraan dabiibka, inanteeda oo mudo u il darayd xanuunkan ka ga dhacay wadnaha oo qoys ahaan aanay awood u lahayn in ay geeyaan dhakhaatiir wax ka qabata,hooyo Saado ayaa intaasi raacisay in ay yahiin qoys dan yar ah oo agoon ah

waxaanay guud ahaan dhinacyada bulshada uga marti tahay in lala qabto oo loo ururiyo lacagta lagu qali lahaa inanteedan oo aad ugu baahan in laga daweeyo xanuunkan wadna xanuunka ah

Waxii taburucaad ah waxaa loogu dirayaa akoonadan .
2103/60248027 .Daara salaam Bank

56930. Dahabshiil Bank
Ama kala xidhiidh telefoonadan. 0634799036 Telesom
0634092047. Telesom
0659346543. Somtel
Hadii aad qof muslin ah ka dulqaado dhibaato haysata waxa hubaal ah in adigana uu kuu gargaari doono Alah koreeye e