Khatarta iyo xagal daaca ku soo fool leh Taageerayaasha Kulmiye ee Gobolka Gabiley

Khatarta iyo xagal daaca ku soo fool leh Taageerayaasha Kulmiye ee Gobolka Gabiley

Dhalinyar tiro badan oo kasoo kala jeeda degmada gabiley iyo dagmada albaabka u ah gobolka gabiley oo maanta kulan isugu yimid magalada hargeisa ayaa kawada hadlay arimo ay ku tilmaameen Nidaam xumo aanay kasugayn xisbiga kulmiye Dadwaynaha degmada Arabsiyo ayaa dhawaan aad uga cadhooday talaxumo laxaad leh oo ku timid xisbiga kulmiye dhinaca xubnaha gobolka gabiley u matalaya iyada oo aad moodo in ay taladaasi ka danbeeyeen dad indho la aan ka ah guud ahaanba dadka daga gobolka Waxa kale oo halkaasi la isku waydiiyay xubnaha dawlada dhexe ugu jira gobolkan gabilay iyo fadhiidnimada kamuuqata Iyo in lagu siijiri karo kulmiye iyo in laga tashado maadaama aanad moodinba xisbi danaynaya inuu dadkiisa soo jiito ama lagaga fir fircoonyahay xaga fur furnaanta bulshada Soo xuliddii lagu sameeyay xubnaha gobolka gabiley umatalaya xisbiga kulmiye ayaa noqotay ta koobaad ee aad loola yaabay ee dhalisay xam xamta ugu badan ee gobolka laga hadal hayo Waxana loo aanaynayaa xubnaha soo xulay inay xisbiga ku keeni karaan xagal daac taageeradii baaxadda lahayd ee gobolka laga sugayay Waxa kale oo ay taasi fursado badan siisay xisbiyada mucaaradka ah oo durba ku dhaw inay hantiyaan Degmada Arabsiyo ama beel waynta uu kasoo jeedo Mujaahid “Hassan Yoonis Habane” Taasi waxy keeni kartaa in codkii gobolka laga filayay dhaawacmo Xisbiga kulmiye waxa uu la kowsaday inuu la tashado dad aan waxba ka aqoon gobolka gabiley oo ka indhala cida dagta iyo sida loo kala dago intaba taasina waxa ay ku waddaa xisbiga kulmiye in la is waydiiyo taageeradii uu gobolka ka sugayay Muuse biixi Gobolka gabiley waxa uu wali xasuusan yahay in qilaabkii iyo karaama dhicii lagu sameeyay wasiiradii waxgarad ka ahaa ee gobolka kasoo jeeday iyo sidii looga dul galiyay qaar aan ilaa iyo hadda gobolku wax uu galo iyo wax uu gudo toona aqoon looguna majara habaabiyay gobolka Ilaa iyo hadda lama hayo wasiiradii gobolka gabilay ku naaloon lahaayeen ee wax qabad kooda kashaqaynlahaa Gobolka gabiley waxa ku dhacay kala jab balaadhan oo aan hore loo arag taasina waxa sobob u ah dadka uu xisbiga kulmiye kala tashado gobolka gabiley Waxa laga cabsi qabaa in gobolka gabiley uu codbadan ka helo xisbiga wadani sobobtoo ah talaxumada baahsan ee haysata xisbiga kulmiye Waxa aynu indheheena ku aragnaa albaabkii koowaad ee gobolka gabiley oo xisbiga Wadani kudhaw yahay inuu hantiyo waa qayb ka mida tala xumooyinka lagu keenay xisbiga kulmiye

Waa Qalinkii Eng. Hamse H Hussein Jama
Phone: 063 44 66 084 Mrjamaone@gmail.com