Kooxda Chelsea Oo Durba Isha La Heshay Ciyaaryahankii Baddali Lahaa Cesc Fabrecas

marco-verratti-psg

Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa la soo sheegayaa in markaan ay dalab ka gudbin doonto xiddiga khadlka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain Marco Verratti, marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo.

24-jirka reer Italy ayaa waxa ay indhihiisa soo jiiteen macallinka kooxda Blues Antonio Conte, kaas oo doonaya in Verratti uu badal uga dhigo xiddigaha kala ah John Obi Mikel iyo Cesc Fabrecas oo laga yaabo in kooxda ay ka tagaan xagaagan.

Wakiilka Marco Verratti Donati Di Campli ayaa qiray in dalab uu ka helay kooxda Chelsea, inkastoo uusan si faahfaahsan uga sii war bixin sheekada Marco Verratti ee la xiriirta damaca naadiga Blues.

Si kastaba Marco Verratti ayaa bishii August kooxdiisa heshiis cusub u saxiixay, isagoona kula guulaystay sideed koob tan iyo markii sanadka 2012 kala soo wareegeen naadiga Pescara.