Madaxweynaha Somaliland oo Shaahado Sharaf Gudoonsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland

Hargeysa(GNN) Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo Ayaa Maalintii Shalay Shaahado Sharaf Gudoonsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, Taas Oo Uu Ku Mutaystay Dadaalka Uu Ugu Jiro Sugida Amaanka Gaar Ahaanintii Ay Socdeen Tartranka Ciyaaraha Gobalada Somaliland.

Taliyaha Ayuu Madaxweyne Silaanyo Ku Amaanay Sida Uu Heeganka Buuxa Ugu Jiraan Isaga Iyo Ciidan Weynihiisa Uu Hogaaminaayaba Sugida Amaanka Dalka, Sidoo Kale Wuxuu Ku Bogaadiyay Dhisida Iyo Qalabaynta Ciidanka Booliska Somaliland Oo Intii Taliye Fadal Gacanta Ku Hayaay Gaadhay Maal Fiican.

Madaxweyne Silaanyo Ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan

Ku Booriyay In Ay Dadaalka Halkaasi Ka Sii Wadaan Isaga Iyo Ciidanka Uu Gadhwadeenka U Yahayba .

 Gabiley.net