Mayarka Berbera Oo Kulan Qado Sharaf ah u Sameeyey Musharax Muuse Biixi iyo Siyaasiga Ruug,Cadaaga Ah C/casiis Samaale Oo Hore Loolanka Siyaasadeed Ee Kulmiye u kale irdheeyey

Berbera(GNN):- Gudoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Berbera C.shakuur Ciddin Ayaa markii ugu Horeysay Qado Sharaf ku Maamuusey Laba Masuul oo Siyaasada Kulmiye ku kale Irdhoobey balse Marlabaad ay Mideysay Siyaasada iyo Wacdiga ay Somaliland Gashey.

samaale-iyo-muuse-biixi

 Kulankan qadadda Ah oo ka Dhacey Hotel Maansoor ee Berbera ayaa waxa kasoo qayb galey Dhamaan Masuliyiinta iyo Xubno kamida Tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil, Xildhibaano katirsan Golayaasha Degaanka Berbera.

Kulankan qadadda ee Mayirka Degmada Berbera uu u Sameeyey Saxiibadan Siyaasada Kulmiye ku kale Irdhoobey Waa Muuse Biixi Cabdi iyo C.casiis Maxamed Samaale Ayaa Siweyn u Ruxey Quluubta Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera oo siweyn uga Dhirsugayey Safarka Labadan Masuul ay ku Imanayaan Magaalada berbera Ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Labadan Masuul oo Hore Xisbiga Kulmiye ugu Loolamey Murashaxnimadiisa ayaa Kamid ahaa weftiga Madaxweynaha Somaliland Ee Hargeysa Kasoo kici timey , kuwaasi oo ku sii jeeda dhinaca Gobolada bariga Somaliland oo Abaaro ba’ani Sameyeen,islamarkaasina ay ugu kuurgalayaan Xaalada Abaareed ee ay ku sugan yihiin Dadka iyo duunyaduba.

samaale3

Si kastaba ha ahaatee Siyaasiintan waa C,casiis Maxamed Samaale iyo Muuse Biixi Ayaa kulan kan qadada ah ee ay maanta kuwado qateen magaalada Berbera waxa siweyn looga dheehanayey Islaab-xaadhasho iyo laab furnaan siyasadeed oo u muuqda inay dhinac u wado jedaan, lana filayo inay Mar labaad Dagaalka Dhismaha iyo Guusha Kulmiye ay u Midoobaan.

Waxaana sidoo kale Wararka Shabakada Gabiley.net helaysaa  oo ay Tibaxayaan in C.casiis Maxamed Samaale dhawaan lagu soo dari doono Isku shaandheynta la filayo inuu Madaxweyne Silaanyo Sameyn doono, taas oo la filayo in loo Magacaabo Wasaarada ugu Tunka Weyn Wasaaradaha Somaliland si markaasi uu hormood uga noqdo, Ololaha Xisbiga Kulmiye Mar labaad doonayo inuu Hogaanka Dalka ku Fuulo

 

Gabiley.net

Berbera Office