Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Cod Aqlabiyad ah Ku Ansixiyay Masuuliyiin Dhawaan Madaxwayne Siilaanyo Magacaabay

Waxaana kalfidhigan lagu ansixinayay masuuliyiintan shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”,iyaga oo ay masuuliyiintana iskugu jireen wasiiro iyo wasiiro ku xigeen uu dhawaan magacaabay madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo.Xildhibaanadan ansixinayay ee kasoo qayb galay kalfadhigan ayaa tiradoodu ahayd 51 xildhibaan,iyaga xildhibaanaduna  cod gacan taaga ku ansixiyay wasiiradan iyo wasiiro ku xigeenadan uu madaxwaynuhu soo magacaabay,wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa waxa u codeeyey 51-kii xildhibaan ee kasoo xaadiray kafadhigan isaga oo sidoo kalena wasiirka duulista iyo hawadana ay xildhibaanadu cod gacan taaga ku ansixiyeen. waxaana masuuliyiinta ay goluhu ansixiyeen kamid ahaa

.Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha

2.Wasiirka wasaarada Duulista iyo Hawda

3.Wasiir ku xigeenka wasaarad Cadaalada .

  1. Gudoomiyaha Hay’aada Shaqaalaha .

Gabagabadiina masuuliyiinta maanta ay xildhibaanadu codka gacan taaga ah ku ansixiyaan ayaa waxa ay kamid yihiin masuuliyiintii uu dhawaan madaxwayne Siilaanyo soo magacaabay.