Muhiimad Intee La Eg Ayuu Cristiano Ronaldo U Leeyahay Dhaqaalaha Kooxda Real Madrid?

Waa hogaamiyaha weerarka Real Madrid laakiin saameynta Cristiano Ronaldo waa ay ka badan tahay howsha uu ku qabto garoonka, waxaana soo baxday in weeraryahanka reer Portugal uu sidoo kale dhaqaale xoogan soo geliyo kooxda.

31 jirkaan ayaa dhawaan qalinka ku duugay qandaraas cusub oo ku kacaya 250 milyan euro euro isagoo kooxda baaqi ku ahaan doona ilaa iyo 2021.

14786836329861

Laakiin inkastoo goolasha iyo caawinta Ronaldo ay guulo u keeneen Los Blancos, kabtanka Portugal ayaa sidoo kale cadeeyay inuu il dhaqaale u yahay kooxda iyadoo boqolkiiba 40 maaliyadaha Real Madrid ee la iibsaday ay ku qoran tahay magaca Cristiano Ronaldo.

Gaar ahaan, waxa uu faa’ido weyn ka soo xareynayaa suuqyada Aasiya isagoo fure u ah inay kooxda magac ku yeelato wadamada koonfur bari Aasiya, waxaana la filayaa inuu magaciisa dahabiga noqday uu sii kordho ka dib heshiiska rikoorka ah ee uu saxiixay.

Dhanka kale, James Rodriguez ayaa ah xiddiga labaad ee faa’idada ugu badan soo geliya kooxda gaar ahaan maaliyad iibsashada iyadoo wadamada Latin America si weyn looga iibsado maaliyadiisa Real Madrid.