Muxuu Lionel Messi Ka Yiri Guuldaradii Xulkiisa Argentina Xalayto Ka Soo Gaartay Brazil Ee Isreebreebka Koobka Adduunka?

Ka dib guuldaradii 3-0 ee ka soo gaartay xulka Brazil, Lionel Messi ayaan dib u celinin dareenkiisa qaab ciyaareedka ay soo bandhigeen xulkiisa Argentina, laakiin waxa uu sidoo kale sheegay in u soo bixitaankooda Koobka Adduunka inuu iyaga gacmahooda ku jiro.

Xulka La Albiceleste ayaa si xun loogu garaacay garoonka Mineirao Stadium ee magaalada Belo Horizonte iyadoo saaxiibkiisa Barcelona Neymar uu ka mid ahaa gooldhaliyayaasha.

“Dhamaan qashinka aan ku jirno, weli aan nool nahay” ayuu Messi u sheegay suxufiyiinta ka dib ciyaarta.

14788339547689

“Waa inaan maskaxdeena ka shaqeysiino sababtoo ah kooxdaan waxaa ka buuxa ciyaartoy aad u fiican, laakiin qof marka uusan maskaxda ka fiicneyn, lugaha ma shaqeeyaan.

“Waa inaan si niyadsami leh u fekerno, islamarkaana aan bedelno xaaladaan qashinka ah ee aan ku nool nahay.

“Waa inaan is xoojino islamarkaana aan garano inaan ka bixi doono xaaladaan.”

Messi ayaa hadalkiisa raaciyay: “Dhawaanahaan waxaan ku jirnaa xaalad adag.

“Laakiin marnaba xulka ma uusan aheyn hal ciyaaryahan, waxaan u baanahay koox fiican iyo qaab ciyaareed fiican.

“Ma aanan fileynin natiijadaan inkastoo aan ogaa inay adkaan doonto.”