Natiijada Ciyaartii aad u Layaabka Badnayd Ee Labada Gobol Hawd Iyo Gabiley.

Hargeisa(GNN):-Ciyaartan Oo ahayd Tii ugu xamaasada badnayd xili ciyaareedkan isreebreebka wareega labaad oo maanta ay iska horyimaadeen labada kooxood gobolada Gabiley Iyo Hawd Islamarkaana Taageerayaal aad u Tiro badan oo Ay Wateen Labada Kooxood Soo buux dhaafiyeen Garoonka Caalamiga Ah ee Hargeisa Studiom ayaa Markii Haafkii hore ciyaartu bilaabantay, ku bilaabantay jawi degan iyo ciyaar aad u heersaraysa oo ay labada gobolba soo bandhigeen, waxaan dhawaaqa taageerayaasha kooxda inta badan bulshadu ka maqlaysay shaashadaha kala duwan ee laga daawaneyey,
Walow Hadaba Ciyaartan Ayaad Mooday in Dhinaca Xanaaqada ama kaadhadhka huruuda ahi ay ku badnaayeen taas oo koox kastaaba ay dedaal ugu jirtay inaan wax gool ah laga dhalin islamarkaana isdifaac xoogani ka dhexeeyey.
Haafkii danbe ee ciyaarta markii la galay waxaa koox kastaaba wax kasoo bedeshay qaab ciyaareedkii markii hore ay ku ciyaaraysay, labadan xul ama kooxood oo aad mooday inay si ukala baqayeen midwalba iska ilaalinayey in waxgool ah laga dhaliyo, ayaa haafkii danbe ee ciyaarta walow ay jireen weeraro aad u qurux badan oo labada xulba ku qaadeen goolasha, haddana suurta gal ma noqon in wax goolal ah layska dhaliyo, sidaasina ciyaartaasi dhexmartay Gobolka Hawd Iyo Gobolka Gabiley.

Lasoco Oo Isha Ku Hay Ciyaaraha Gobolada Somaliland Ee aadka U Xiisaha Badan.
Kala Soco Shabakada Gabiley News Network.

Hargeisa Office

Axmed Almis.