Sidee Ayuu U Dhacay Rabshadihii Khasaaraha Keenay Ee Maanta Ka Dhacay Hargeisa Stadium + Waa Imisa Tirada Dhaawacu

Kadib Markii Ay Sii Idlaatay Ciyaartii U Dhaxaysay Gobolada Daadmadheedh Iyo Hawd Isla Markaana Ay Xulka Daadmadheeh Laba Gool Ku Badiyeen Halka Hawdna Uu Hal Gool Dhaliyay.breaking news
Hase Ahaatee Markii Ay Ciyaartu Dhamaatay Ayuu Jawiga Garoonu Isku Bedelay Mid Qasan Kadib Markii Taageerayaasha Labada Kooxood Qarkood Is Faro Saaren Kadibna Ay Arintu Balaadhatay Iyadoo Markii Danbe Ay Xaaladu Noqotay Mid Cakiran Isla Markaana Si Toos Ah Isu Beegsadeen Ciidamada Booliska Iyo Taageerayaashii Garoonka Ku Sugnaa.
Ciidankii Amniga Garoonka Ilaalinayay Ayaa Bilaabay Inay Dadka Ku Kala Eryaan Sunta Dadka Kaga Ilmaysiisa Iyo Sidoo Kale Rasaasta Rabadhka Ah Balse Taasi Xal Uma Noqon In Nawaaxiga Garoonka Lagu Soo Dabaalo Xasiloonidii Waxaase Sii Balaadhay Isla Markaana Sii Fiday Dhibaatadii Iyo Qalalaasihii Goobta Ka Taagnaa.
Taageraashii Oo Markii Danbe Isu Bedelay Kooxo La Diriraya Ciidanka Booliska Ayaa Gubay Taayiro Iyagoo Dhagaxaan Kala Hortagay Ciidamadii Goobta Ilaalinayay Waxaanay Taasi Sababtay In Ciidanku Si Toos Ah U Adeegsadaan Rasaasta Nool.
Tirada Dhaawaca Ayaa Hada La Iigu Sheegay Inay Kor U Dhaafayaan Labaataneeyo Qof Oo Isugu Jira Dad Shacab Ah Iyo Waliba Ciidanka Iyadoo Qaarkood La Gaadhsiiyay Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Inkastoo Wax Dhimasho Ah Hal Qof La Iigu Sheegay.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye Ayaa Durba Soo Gaadhay Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Si Uu U Indha Indheeyo Xaalada Caafimaad Ee Dadkan Waxyeeladu Soo Gaadhay.
Saraakiisha Ciidanka Booliska Oo Aan Isku Dayay Inaan Wax Ka Waydiiyo Tirada Rasmiga Ah Ee Dadka Ku Waxyeeloobay Ayaanay Suuro Galin Telefoonadooda Gacanta Oo Ay Qaban Waayeen Awgeed.
Inkastoo Mudo Dhowr Saacadood Ah Dhawaqa Rasaasta Laga Maqlayay Magaalada Hargeysa Hada Way Istaagtay Xaaladuna Waa Mid Xasiloon.

 

Gabiley.net